Al-shabaab oo taageero iyo hishiis ka codsaday Beesha Habargidir

January 20, 2014 - Written by Editor

astaanta-al-shabaabjpMuqdisho:-Afhayeenka Al-shabaab Sh.Cali dheere, ayaa waxa sheegay inay beesha Habar gidir ay ka doonayaan iney ku garab istaagto dagaalka ay kula jiraan ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya isagoo ka dalbaday gargaar.

Afhayeenka Al-shabaab Sh. Cali dheere, ayaa ka codsay odaaysha beesha Habar gidir in ay dhalinyarada ciidanka u ah dowladda federaalka Soomaaliya ay ka soo saaraan ugu yaraan isagoo xusay in ay cafis u fidin doonaa oo aan waxba  la yeeli doonin.

Afhayeenka Al-shabaab, Sh. Cali dheere ayaa yiri ” Beesha Habargidir  iyagaa u ah indho Koonfurta Soomaaliya wixii ay kiciyaan waa kacayaaan wixii ay damiyaan waa damayaan sidaas darteed waxaan codsanaynaa beesha firfircooni doodii iyo raganimadeedii ha la arko oo gaalada dadka ku kiciya.”

Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sh.Cali dheere ayaa sheegay in dhinacooda waxa beeshu ka tabaneyso ay ka garaabi doonaan, isagoona carrabka ku adkeeyey iney dedejin doonaan, waajibkeena waan ka soo baxaynaa waxaan rajeyna yaan in tiina ka soo baxdaan.

Codigsa uu Afhayeenka Al-Shabaab, Sh.Cali dheere u jeediyey beesha Habargidir ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili uu weli u xiran yahay dowladda Federaalka ee Soomaaliya Sh Xassan Daahir Aweys oo gacanta u galay DFS xili uu magaalada Baraawe waqti habeen ah uu ka soo baxsaday Hogaamiyaha ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane ka dib marki magaalada Baraawe lagu dilay Sh Ibrahim Afgani iyo Macalin Burhaan halka Sh Abu Yasir Al-muqdisho iyo Abu Ayaan  iyo rag kale ay ka baxsadeen degmada Baraawe.

Gobolladda ay degto beesha Habargidir ayaa beesha iyo ururka Al-shabaab waxaa ku dhexmaray dagaalo fara badan oo lahaa wajiyo badan waxaan ku dhintay dhalinyaro badan oo ka kala tirsan labad dhinac.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online