Xog baan hayaa ee xabsiga I dhiga iyo:Shaki ayaa jiree Shaatiga ii cadeeya W/Q Sh Shible

January 10, 2014 - Written by Editor

xamaasNairobi:-Waayaha aduunku maalinba waxbaa laga bartaa, mar walibana wax aadan filayn ayaa kaa soo mara, qofka dhugta leh wuxuu ka dhaxlaa dhaayo anfaca, dhagar banadanna wuu kaga badbaadaa.Waxaan maanta halkan kuugu soo gudbinayaa qiso dhacday oo dhakafaar badan, waxaana ku soo gunaanadi doonaa – in sha Allaah – casharro faa’iido badan.

Qoraalkan oo ay xigi doonaan qoraallo kale, waxaan uga dan leeyahay in aan damanaan lagugu dagin, in dunida dhacdooyin bandan oo dhalanteed ahna aan laguugu dhuuman.Qissada Qoraalkan: Xarakada Xamaas iyo Xuuraanka gudaheeda.

Xamaas waa urur Islaami ah oo ka jira dalka Falastiin, wuxuu la dagaalama Yuhuudda, wuxuuna hadda maamulaa marinka Qazza. Waxaa aasaasay rag intii badnayd dhinteen ama la dilay, waxaana oday u ahaa Sh. Axmed Yaasiin raximahulaah oo ay ciidamada Yuhuudu dileen.

Waxaa jiray dad kamid ahaa reer Falastiin, ama ururka Xamaas oo hadana dhinaca kale la shaqaynayey sirdoonka Yuhuudda.Waxaan mar waliba xasuusan jiray halqabsi la yidhaahdo ” Maxaa tuug shaafii qaadi ” oo ah in waxa qofku muujinayo iyo dhabtiisu kala duwanyihiin.

Waxaa ” shaafii ” la yidhaahdaa ducada ay ardayda quraanku qaadi jireen Maqribkii xilliga dabka dugsiga la shido, kana dhignaa duco iyo wargalin in dugsigii billowday.

Waxaa la sheegaa in ardaydii qaar kamid ah beer gallay ah ka soo xadeen sabuullo, waxaa soo raad qaaday ninkii lahaa beerta, wuxuuna la soo kulmay ayagoo qaadaya “shaafii” maqribkii, inta ay isu qaban wayday sida ay u dhaqmayaan ayuu yidhi ” Maxaa tuug shaafii qaadi “, waxayna noqotay halqabsi looga maahmaaho deegaanadii uu hadalkani gaadhay.

Waxaa maalin maalmaha kamid ah gacantayda soo galay kitaab uu qoray nin saxafi ah oo reer Falastiin, ninkaas oo magaciisa la yidhaahdo Zaki Shihaab, kitaabkiisana lagu magacaabo ” Xamaas Gudaheeda = (حماس من الداخل ), wuxuuna ka kooban yahay ( 287 bog ).

Haddaan akhriyay kitaabkii waxaan la yaabay inta tuug Shaafii qaadaysa ee uu ka sheekeeyay, waxaana kaga soo qaadanayaa qoraalkan hal tusaale kaliya, waxaase ii muuqday in ay fiican tahay in aad aqridaan,:

Haddaad aqrido qissada Waliid Raadi Xamdiyah ( boga 104-109 )  waxaad arkaysaa wax aad layaab u leh, hase ahaate dhaca in badan, haddiise aan aad kuugu soo kobo qisadaas waa sidan:

·Waliid Raadi Xamdiyah wuxuu ka soo baxay daraasaad Islaami ah waqti ku beegan 1980-kii.
·Waxuu Waliid kamid noqday koox uu hogaaminayay Sh. Axmed Yaasiin oo ku ballamay daacadnimo intii aan la samayn Xamaas, gun dhigna u ahayd xarakada Xamaas ee dib laga sameeyay Dec 1987-kii, waxay lahaayeen afgarad u gaar ah oo ay isku aqoonsadaan.
·Waxay isku dhaceen 1986-kii nin ka tirsanaa xarakada Fatxi oo la dhihi jiray Ascad AL-Safdaawi, waqti uu jray khilaaf adag oo ka dhaxeeyay.
·Waxaa la qabtay Waliid 06/10/1987-kii oo uu gacanta u galay Yuhuudda, waxaa la kala dooransiiyay 2 midkood: In la ciqaabo iyo in uu la shaqeeyo, wuxuuna doortay in uu la shaqeeyo.

·Waliid Xamdiyah waa la siidaayay, waxaana la siiyay telefoon uu kala soo xidhiidho, waxaa kadib dhex maray asaga iyo sirdoonka Yuhuudda kulamo ka dhacay meela kala duwan oo qarsoon.

·Wuxuu si aad ah uga qeyb qaatay kacdoonkii ay samaysay Xamaas 1988-dii, waxaana qabtay sirdoonkii Yuhuudda 08/1988-kii si looga fogeeyo tuhun, loona beero firkad ah in uu kamid yahay dadka lagu raad joogo ee Xarakada Xamaas, wuxuu xidhnaa 7 bilood.
·Waa la soo daayay, waxaana la siiyay lacag u dhiganta $30,000/=, waxaa loo bixiyay Abuu Jacfar marka telefoon lagu xidhiidhayo.
·Billoowgii Bisha May 1989-kii ayaa mar kale la qabqabtay asaga iyo rag muhiim ah oo reer Xamaas si looga waraysto raggan la soo qabqabtay, loogana fogeeyo tuhun ah in uu ku lug lahaa qabashadooda, wuxuu xabsiga ku jiray 4 bilood oo uu bixinayey wararkii uu uruuriyay.

·Waliid waxaa lagula ballamay meel kale markii la sii daayey kadib, waxaa la soo qaatay gaadhi ku sharxan aayado quraan ah, iyo dhar culimo, waxaa la waraystay sababta uu meel sare oo hoggaan uga qaban la’yahay Xamaas? waxaa loo sheegay in la qabtay Masuulkii Dacwada ee Xamaas booskiisiina bannaayahay oo ay tahay in uu qabto, dadaal kadib wuxau ku guulaystay qabashada xilkaas.

·Waxaa xilkaas ku lamaanaa dumitaanka iyo soo diiwaan galinta dadka cusub ee Xamaas, shaqadaas oo ah mid muhiim u ah Yuhuuda, lagana garan karo sababta ay ugu soo jeediyeen in uu dalbado qabashada xilkaas.

·Sanadkii 1991-kii wuxuu dalbaday in mar kale la xidho si loo qariyo xidhiidhka joogtada ah ee uu la leeyahay sirdoonka Yuhuudda, waxuuna xidhnaa 5 bilood oo uu bixinayey warar badan oo ku saabsan raga muhiimka ah iyo meelaha ay ku dhuuntaan.
·Waa la soo daayay Waliid, waxaana loo diray in uu daba galo rag reer Xamaas ah sida ( Muxamed Qandiil, Yaasir Al-Namdruudi, Yaasir Al-Xasanaat, Maxamed Qindiil iyo Mawraan AL-Zaa’iq ) oo dhamaantood uu sababay in la dilo waqtiyo kala duwan, taas oo xoola badan lagu siiyay.

1)Yaasir Al-Namruudi wuxuu ahaa madaxa ciidanka Xamaas, waxaana la dilay 17/07/ 1992-kii, waxaana laga soo raacay guriga Waliid markii uu ka fogaadayna waa la dilay.

2)Yaasir Al-Xasanaat, Maxamed Qindiil iyo Marwaan Al-Zaa’iq waxaa la dilay 24-05-1992-kii.

·Waliid Xamdiyah waxaa la xidhay mar kale 21/07/1992-kii si loo daboolo xidhiidhka iyo xog kala qaadashada, intii uu ku jiray xabsiga waxaa xilkiisii dacwada la wareegay Sh. Cizzuddiin Khaliil oo ay sirdoonka Yuhuddu ku dileen Dimishiq- Suuriya, waxayna soo daayeen Waliid oo ay u sheegen in uu xilkiisii dacwada dib u dalbado.
·Waxaa Waliid loo masaafuriyay wadanka Lubnaan asaga iyo ilaa 400 oo reer Xamaas ah, si looga fogeeyo tuhmada, dibna ugu soo ceshado xilkii dacwada ee uu Xamaas u hayay.

·Markii uu Waliid soo laabtay waxaa laga dalbaday in uu daba galo Cimaad Caqli oo ahaa nin muhiim u ah Xamaas, waxaana loo ballan qaaday abaal marin gaadhaysa $500,000/=, waxaa Waliid u suuragashay in uu shirqoolo oo la dilo 1993/4-kii, , hase ahaatee waxaa la siiyay $5,000/= kaliya.

·Waliid wuxuu sheegay in ay askarta Yuhuudu asaga ku qamaami jireen ama u gacan qaadi jireen marka lala qabanayo rag ka tirsan ururka Xamaas oo uu shirqoolay, halka raga kale si tartiib ah loo kaxaynayo, taas oo looga jeedo in dadka goobta jooga loo tusiyo in uu yahay nin ay Yuhuuddu aad u necebtahay.

·Waliid waa laga shakiyay oo markii danbe waxaa qabtay ururadii reer Falastiin, haddii la waraystay Waliid wuu qirtay waxii jiray, kadibna waxaa lagu xukumay in la dilo.

·Walid waxaa la dhigay xabsi asagoo dil suge ah, waxaana waqtigaas la kulmay qoraaga reer Xamaas Zaki Shihaab oo uu siiyay xogtan aan soo sheegnay, waa sida uu sheegay qoraagu, waqti kadibna waa la daldalay Waliid, oo halkaas ayuu ku danbeeyay.
·Waliid wuxuu ahaa dhagar qabe dadka ugu dhuuntay magac diineed iyo la dagaalanka cadow Muslimku wada necebyahay. Intaasi waa qisadii oo kooban, walina waxaad u baahantahay in aad kasii ogaato wax ka badan inta aan kaaga sheegay, ee hadaad hesho kitaabkaas ka aqri qisadan iyo kuwo kale oo badan.

Maxaan ka faa’iidaynaa qisadan:

Waxaan ka faa’iidaynaa qisadan waxyaabo badan oo ay kamid tahay:

1.Xabsiyada waxaa loo galaa ujeedooyin fara badan, mana ahan sida dadku moodayaan in la xidho qofka la neceb yahay oo kaliya ee saaxiibka laftiisa waa la xidhaa.
2.Shaqaalaha qarsoon ee sida dadban u shaqeeya waxaa loo xidhaa in xog muhiim ah la is dhaafsanayo, ama barnaamij shaqo la dajinayo.
3.Sidoo kale shaqaalaha qarsoon waxaa xabsiga loo dhigaa in dadka la marin habaabiyo, oo loo tuso in uu yahay qof la neceb yahay, asaga iyo maamulka ama daladda uu la shaqeeyana colaadi dhextaalo, si shuushta looga fogeeyo.
4.Dadka shaqada iyo jagooyinka ka dhex raadiya danaha guud waxaa kamid ah kuwo dabada laga riixayo si ay u qabtaan xilal ay ku heli karaan xogta looga baahanyahay.
5.Shaqaalaha qarsoon waxaa la siiyaa dhaqaale ay wax ku fududeystaan, ayaga oo aan shaqo ama ilo dhaqaale oo la yaqaano lahayn ayay ka taajiraan qandaraaska hoose ee ay ku jiraan.
6.Shaqaalaha qarsoon ee qaba shaatiga kale waxaa loo masaafurin karaa meel dheer si loogu diyaariyo shaqo muhiim ah, loogana fogeeyo shuushta soo bixi karta.
7.Dad badan oo muhiim ah waxaa shirqoola shaqaalaha qarsoon ee sida dadban u shaqeeya, waxaana lagu wareeraa halka ay sartu ka qudhuntay oo waxaa la is dhahaa ” hashu maankayga gadaye ma masaar ayay liqday “.

8.Dhagartu haba dheeraatee mar ayay soo baxdaa, xaqii la duudsiyana marbuu feedhaha ka dillaacaa, Waliid godkii uu u qoday dad bana ayuu ku dhacay, siduu dadka u daba gali jiray ayaa loo daba galay, dabinkiina wuu ku dhacay.

Intaas iyo in kale oo aad ka dheehan kartaan qisadani waa casharo aan u baahanay in aan weelayno.Inta aan qormada kale ku kulmi doono waxaan idiin rajaynayaa liibaan labada daarood.

Halkan Ka Akhriso Kitaabkii حماس من الداخل Ee uu qoray Zaki Shihaab, Kitaabkan waa mukhtasar waxaana ka helaysaa qisada waliid safxada 28, Kitaabka oo dhameystiran dib baan idiinka soo gudbin doonaa inshalaah.waxayna qisada kaga qoran tahay ( boga 104-109 ).

Qore/ Sh. Maxamuud Sh. Maxamed Shibli
13/12/2013 Nairobi – Kenya

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online