Dacwada Soomaaliya iyo Dowrkii Sh.C/qaadir Nuur Faarax Allaha u naxariistee [Daawo-Video-ga]

February 25, 2014 - Written by Editor

Sh-Cabduqaadir-Nuur-FaaraxGaroowe:-Muuqaal taariikheed (Documentary) kan wuxuu ka hadlayaa dowrkii dacwada Soomaaliya uu ku lahaa Allaha u naxariistee Sheekh Cabdul qaadir Nuur Faarax oo ahaa caalim si wayn looga yaqaanay geeska Afrika iyo Caalamkaba. Sidoo kale wuxuu ka hadlayaa sidii loo dilay Sheikha, cidii dishay, sababtii loo dilay iyo ehelka Sheikha oo arintaan markii ugu horaysay sharxaya.

Waxay ahayd goor aan Salaadii casar ka baxnay waxaan joogay magaalada Boosaaso, war xun wax ka dhakhso badan gabar ayaa markiiba i soo wacday markaasay igu tiri ma maqashay in Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax la dilay intaan is diidsiiyey, ayaan iri iikaadi, markiiba waxaan wacay Sh. Ahmed Cabdisamad oo aan ku ogaa Garoowe, igama qaban, waxaan ku xijiyey Sh. Cabdiqani Qorane, wuxuu iigu jawaabay Sh. Cabdulqaadir illaahay ha u naxariisto, isagoo salaad Casar ku jira oo Masaajidka ku dhex jira ayaa Madaxa laga toogtay, haddana maydkiisii ayaan korjoogaa.

Subxaanalaah, murugo badanaa, Salaad, Masaajid, Sheikhaas dada ah, fadliga uu ummada Soomaaliyeed ku leeyahayna aan nina ka qarsoonayn, tolow yaadilay, tolow maxaa loodilay, maxaa Masaajidka loogu dhexdilay, su’aalo aad u badan ayaa Maskaxdayda mashquuliyey.

Islama markiiba qofkasta oo soo gaari karay Garoowe meeshiisii ayuu kasoo dhaqaaqay, waxaana ceeryoontay Garoowe, Muuqaal taariikheedka ayaad ku arki doontaa meelihii laga yimid. Qoraalakan waa hordhac kooban, insha allaah markale ayaan soo qori doonaa qoraalo taxane ah oo ka hadlaya safarkaygii Puntland iyo dhacdadii aan la kulmay.

Illaahay ayaa mahad dhamaanteed leh ii qadaray inaan fursad u helo inaan aruuriyo qayb ka mid ah taariikhdii Sh. Cabdulqaadir, Muuqaal taariikheedna ka samayno kaalintii uu ku lahaa dacwada Salifiga ah ee ka hana qaaday Soomaaliya iyo wax u qabashada ummada Soomaaliyeed.

Muuqaalkan wuxuu ka kooban yahay afar qaybood, oo kala ah:-

A)Barbaaridii Sheikha iyo waxbarashadiisii

B) Faafinta dacwada iyo bilowgii saxwada Soomaaliya iyo kaalintiisii

C) Waxqabadkiisii, Mawaaqiftiisii iyo marag fur dadkii yaqaanay

D) Sidii loo dilay, cidii dishay, sababtii loo dilay iyo hadalkii ay ka yiraahdeen, qoyskii Sheikha, Culimmadii Soomaaliyeed iyo ummada Soomaaliyeed guud ahaan.

Gabagabada Muuqaal taariikheed kana waxaad sawir buuxa ka qaadanaysaa sidii madashii la isugu yimid ahayd, aaskii Sheekha iyo qaar
ka mid ah dardaarankii Sheikha. Waxaan mahad gaar ah u naqayaa tan illaahay ka dib, dhamaan dadkii tirada badnaa ee ka qayb qaatay hirgalinta muuqaal taariikheedkan, si gaarana waxaan ugu mahad naqayaa qoyska Sheikha oo iyagoo marxalad adag ku jira naga ogolaaday inay dowrkooda ka qaataan M. Taariikheedkan. Somalitalk.com iyo Halgan.net waan uga mahad celinayaa faafinta Muuqaal Taariikheed kan.

Wuxuu ka kooban yahay Muuqaal taariikheed kan dhowr qaybood fadlan lasoco qaybaha kale ee Documentary-ga. Lasoco Qaybta 2-aad

Hoos ka Daawo Dacwada Soomaaliya iyo Dowrkii Sh. Cabdulqaadir qaybta 1aad

Muuqaal Taariikheed kan waxaa idiin soo gudbiyey Minhaj Media Production,waxaana soo agaasimay soona saaray Sh. Xasan Dhooye. talo iyo tusaalayn fadlan kusoo hagaaji dhooye@hotmail.com

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online