Qof ay Kal ku dhacday waa ka kacaa, laakiin qof kaalmo bartay kama kaco! W/Q Sh. C/qani Qorane Maxed

February 24, 2014 - Written by Editor

baryoWaxay ahaayeen laba nin oo reer wabi ah. Waxay ooteen dhul weyn oo wabiga xoogaa u jira, si ay uga dhigtaan dhul beereed ay ka xoogsadaan. Subixii marka qof iyo geed la kala garto ayey beerta kusoo kallahaan, waxayna bilaabaan inay geed-qaadaan, islaaxiyaan, hadba intii ay banneeyaanna abuur ku ridaan. Waxay la tartamayaan saacadaha, maalmaha, usbuucyada iyo bilaha. Waxay maaggan yihiin in xilli roobaadkaas ay ka faa’iideystaan si ay ugu soo go’aan dalagyo kala geddisan, kadibna suuq geeyaan.

Markii la gaaro abaaraha 12-ka duhurnimo ayaa maalinba mid shaqada ka baxaa. Wuxuu qaataa jirgaan 20 qaad ah, wabiga oo in door ah u jira ayuu biyo kasoo dhaamiyaa. Dab ayuu shidaa, wuxuuna kariyaa cambuulo ama soor ay ku qadeeyaan.

Inta ninkaasi uu qadada diyaarinayo kii shaqada ku haray wuxuu sii wadaa shaqadii uu darteed saaka beerta ugu soo kallahay. Markii la gaaro agagaaraha 2da duhurnimo, xilligaas oo uu is leeyahay saaxibkaa qadadii waa diyaariyay ayuu soo aadaa halkii uu jaalkiis raashinka ku bisleeyay. Waa la wada qadeeyaa, inta qadadu socotana xoogaa sheeko ah ayaa la is dhaafsadaa, kadibna shaqadii ayaa dib loogu laabtaa, si loosii wado inta qorraxdu soo jeeddo.

Maalin maalmaha kamid ah ayuu kii shaqada ku haray howshii kasoo rawaxay xilli hore oo ku beegan mar uu is leeyahy saaxiibkaa hadahan wuxuu bisleynayaa qadadii. Haddii uu madashii yimidna wuxuu kusoo baxay saaxiibkii durba qadadii diyaariyay. Wuxuu la yaabay gacan-fudeydka saaxibkii, wuxuuna weydiiyay su’aalahan:

Beer-falihii: Oo maanta miyaadan wabigii biyo kama doonin?
Qado-kariyihii: Maya!
Beer-falihii: Saa xaggeed biyo ka heshay?
Qado-kariyihii: Deriska ayaan kasoo baryay
Beer-falihii ayaa intuu xanaaqay qadadii diyaarsaneyd iyo biyihii soo harayba afka ciidda u galiyay, kadibna jirgaankii dhabarka saartay oo u baqoolay hiladii wabiga si uu biyo usoo dhaamiyo.

Markii uu soo noqday ayaa wuxuu bilaabay raashin karis hor leh. Markii ay raashinkii cuneen ayuu u maahmaahay saaxibkii si uu u tusaaleeyo, una caqli celiyo si uusan mar kale ugu laaban sidii uu uu maanta yeelay, wuxuuna yiri:
“Qof ay Kal ku dhacday waa ka kacaa, laakiin qof kaalmo bartay kama kaco” taasoo uu ula jeeday qof kal lagu dhuftay feer ama labo feerood ayaa jabta, beryo ayuu xanuun ka sheegtaa, xoogaana taxaddaraa, kadibna waa ka xafaaroobaa, danihiisa ayuuna raacdaa, hase yeeshee qofkii barta inuu shaqo ka dhigto “Wax i sii” qofkaasi nabarka ku yaal inuu yahay mid aan laga kicin ee loo dhinto, qof dhimasho u taaganna markaas lafteeda ayuu dhinsan yahay. Nuxurka hadalka ninku wuxuu ku urursan yahay qofku wax uu qabsan karo inuusan cidna uga martin.

Labadii nin waxay isla shaqo galeen iyagoo ku qanacsan ku xisaabtanka awoodda Alle ku siiyay inay ka muhiimsan tahay isku halleynta iyo u hanqaltaagga waxa ay qeyrkaa heystaan. Dhowr sano oo shaqo joogta ah kadib labadii nin waxay noqdeen rag isku filan, oo aan u baahneyn cid aan Alle aheyn.

Aafooyinka na qabsaday iyo nuqsaanaha waaweyn ee nagu dhacay ayaa waxaa kamid ah, annagoo wax walba oo aynu dadaal yar iyo iskaashi ku qabsan karnay u wakiilannay inay dad kale oo aan danteenna wadin noo qabtaan ilaa aynu ka noqonnay qaran idil oo aan irbad sameysan karin, maalin walbana dib uga sii guranaya heer aan horey u gaarnay. Waxaana horay loo yiri “Qofkii maantiisu ay lamid noqoto shalaydiisii waa qof dagan” annaguna waxaan mareynaa heer maalin walba loo shallaayo shalay markaadii la joogay aan ka deyrsaneynay.

Ma jiro adduunka dal tuugsi lagu horumariyay, haddii uu jiri lahaana annaga ayaa heer sare ku gaari laheyn. Tuugsigii iyo kaalmo weydiisigii aynu waayahan dambe ka dhigannay hiddaha iyo dhaqanka, wuxuu nasiib darro hadda marayaa heer haddii loo baahdo suuliyaal in la yiraahdo hay’ado ajnabi ah ayaan ka sugeynaa, haddii la waayana degmadu waxay isku arkeysaa duurka iyadoo nin walba jalamad biyo ah siddada heysto.
Dawarsigan foosha xun wuxuu hay’adaha u suuragaliyay inay dalka ka noqdaan dowladda dhabta ah ee ka jirta, maadaama wax yar iyo wax weyn iyaga marti loogu yahay.
Waxaa kasii daran waxa hay’aduhu dalka ka fuliyaan ma aha wax ku qotoma baahida dadka ee waa hadba wixii ay mashruuc kusoo qaataan ayey ummadda sanka ka galiyaan.

Maalin waxay keenaan siminaarro mashquulin ah, kuna saabsan gudniinka dumarka, maalin boqollaal tan oo gal-caar (Condom) ah, si dhasha loo kala dheereeyo ama HIV-Aids-ka looga gaashaanto. Markii masaa’ib dhacaan sida abaaro, fatahaado ama duufaan ee dadku le’anayaan lama arko, markii la gaaro xilli aysan abaari jirin oo dadku beero qodasho u jeesteen ama wax uun usoo go’eenna waxay keenaan gallay iyo qamadi tayadoodu liidato iyagoo dadkii kaga jeediya wixii ay qabsan lahaayeen, si waligeed aanan gacantooda looga bixin.

Waxaa ku nasasho mudan kharajaatka tirada badan ee ay siyaabaha xil kasnimo yarida ah u isticmaalaan inuu yahay wax ay kusoo qaadeen magaca ummadda marka ay la macaamilayaan ay u muujiyaan inay u hayaan sadaqo ay iyagu jeebkooda kaga tabarruceen.

Isku xisaabtan li’idu waxay keentay ku tiirsanaan shisheeye kuu cadow ah dal iyo dibad, taasoo dhashay dalkii wax ka go’a mooyee in la waayo wax kusoo kordha, dadkiisiina ay u qeybsamaan wax si aan quruxsaneyn marti ugu ah dalal kale oo dadkii lahaa ay horumariyeen iyo wax dalka ku haray oo waxtar ka sugaya hay’adahaas calooshooda usoo shaqo tegay, asii aanan dalka iyo dadka midna wax shaqo iyo dan ah u heyn.

Murtida Soomaalidii hore waxaa kamid ah “Dal ninkiisi baa iska leh” iyo “Ummad waliba duryaadkii u kaca ayey door ku noqotaa” sidaa darteed aynu dalkan dadkiisii noqonno ama aynu dadkii lahaa u raadinno.

W/Q Sh. C/qani Qorane Maxed

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online