Sh.Abu Basiir Al-Dharduus أبو بصير الطرطوسي oo mar kale ka hadlay xaalada Suuriya iyo kooxda Daacish.[Daawo]

February 28, 2014 - Written by Editor

Darduusi1Suuriya:-Sh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim laguna naanayso Abu Basiir Al-Dharduus ayaa mar kale waxaa uu waraysi gaar ah oo uu siiyey Tv-ga Al-hiwar قناه الحوار waxaa uu uga hadlay xaalada murugsan ee Suuriya isagoo ka hadlay aqoonta uu u lahaa Sheekh.Abu Khaled Al-Suuri oo ay dileen kooxda dowladda Islaamiga iyo Shaam ee loo yaqaan ”Daacish” oo uu Sh Abu Basiir Al- Dharduus uu ku tilmaamay in ay yihiin koox xadgudubtay ama Khawaarij.

Sh.Abu Basiir Al-Dharduus أبو بصير الطرطوسي ayaa ku tilmaamay Sh.Abu Khaled Al-Suuri in uu ahaa mid u dhexeeya kooxaha Islaamiyiinta ah ee dagaalka ka wada dalka Suuriya ayna aad u jeclaayeen xitaa kuwa u dagaalamaya wadaniyadda. Sheekh .Abu Basiir Al-Dharduus أبو بصير الطرطوسي ayaa mar wax laga wiidiiyey in dilka Sh.Abu Khaled Al-Suuri uu dhaawac ku yahay kacdoonka hubaysan ee Suuriya ayaa waxaa uu ku jawaabay haa dhaawac waa ku yahay balse dagaalku socda ma uu joogsan doono oo reer Shaam waa ay wadi doonaan.

Sheekh. Abu Basiir Al-Dharduus أبو بصير الطرطوسي ayaa waxaa uu ku sifeeyey kooxda Jabhadda dowladda islaamiga Ciraaq iyo Shaam ama loo yaqaaan ”Daacish” in ay yihiin kuwa aqli gaaban aana ka fekerin wax dhici kara marka ay sameeyaan falal kooda guracan oo ay ku dilayaan ama ku gaalaysiinayaan Muslimiinta.

Sheekh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim أبو بصير الطرطوسي ayaa xusay in kooxda Daacish ay dhabarka ka toogteen kooxihii Islaamiyinta ahaa ee dagaalka ka waday Suuriya iyagoo dagaal dib uga bilaabay magaalooyinkii laga saaray gacanta ciidanka dowladda Suuriya si ay dagaalka ugu soo raraan gudaha dadka Muslimiinta ah iyagoo u adeegaya dowladda Suuriya.

Sheekh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim أبو بصير الطرطوسي ayaa sheegay in kooxda Jabhadda Islaamiga iyo Shaam(Daacish) ay si dhagar ah ku dileen madaxdii kooxaha Islaamiyiinta ee dalka Suuriya oo aysan marna u suurto gasheen in ay si sahal ah ku dilaan ama ku soo gaaraan Sirdoonka ciidanka Suuriya.

Sheekh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim أبو بصير الطرطوسي ayaa ku celiyey in kooxda Jabhadda Islaamiga iyo Shaam(Daacish) ay dhagaraha ay isticmaalaan ay tahay in dadka ay iskaga dhigaan walaalo ama ay la galayaan hishiis ka dibna ay isku qarxi yaan oo sidaas ku laayaan madaxda iyo akhyaarta ugu muhiimsan ee kooxaha islaamiyiinta ee dagaalka kula jira dowladda Suuriya iyo xulifadooda Iran.

Sheekh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim أبو بصير الطرطوسي ayaa sheegay in kooxda Jabhadda Islaamiga iyo Shaam(Daacish) ay diideen in lagu kala baxo kitaabka alle arrintaasna ay tahay iyagoo kooxaha Islaamiyiinta u arka gaalo ama kuwa Rido ku dhacay iyaguna ay yihiin dowladda Islaami ah.

Sheekh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim أبو بصير الطرطوسي ayaa mar kale waxaa uu u qaybiyey kooxda ”Jabhadda dowladda islaamiga Ciraaq iyo Shaam ama Daacish” ilaa saddex qaybood oo kala ah:-

1. Koox lunsan oo raacday dariiqii Khawaarijta

2. Koox jaajuusiin ah oo cadaw ah

3. Koox Muhaajiriin ah oo da’yar ah oo iyagu la kadiyey allaha soo hanuuniyee.

Sh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim أبو بصير الطرطوسي ayaa ku eedeeyey kooxda Jabhadda Islaamiga iyo Shaam ”Daacish” in ay cabsiiyaan dhalinyarda iyo Akhyaarta kheyrka jecel ee u gargaari lahaa shacabka Suuriya ee gaajada u dhimanaya. Sh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim أبو بصير الطرطوسي ayaa waxaa uu ugu baaqay culimada Islaamka in ay xil iska saaraan in shucuubta  Muslimiinta u cadeeyaan Inxiraafka iyo xadgudubka diineed ee kooxda Jabhadda Islaamiga iyo Shaam ”Daacish” si looga badbaado shartooda iyo weliba khatarta ay ku hayaan mashruucii Islaamiga ahaa ee Suuriya.

Sh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim أبو بصير الطرطوسي ayaa waxaa uu ahaa ragga Munadiriinta u ahaa Kooxaha hubeysan ee taageera ama ka mid ah Ururka Al-qaacid isagoo qoray Risaalooyin fara badan oo uu ku taageersanaa arrimo badan. Sh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim أبو بصير الطرطوسي ayaa waxaa uu leeyahay Kutub badan oo ay aad u cuskadaan kooxaha Islaamiyiinta ee hubeysan ama dadka fikri gooda raacsan ilaa ay gaarsiiyeen qaarkood in uu yahay Munadirkii Ururka Al-qaacid.

Sh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim abu Basiir Al- Dharduus ayaa waxaa uu ka mid yahay culimo dhowr ah oo kooxihii ka dagaalamay Soomaaliya gaar ahaan ururka Al-shabaab ay soo wiidiiyeen su’aalo badan oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya ka socda. Halkaan ka eeg waraysiyadii hore ee uu Tv-ga Alhiwar قناه لحوار  la yeeshay Sh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim أبو بصير الطرطوسي

Hoos ka Daawo waraysiga cusub ee Sh.Cabdi Al-Muncim Mustafa Halim أبو بصير الطرطوسي uu la yeeshay Tv-ga Alhiwar قناه لحوار

C/casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online