Dacwada Soomaaliya iyo Dowkii Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax Qaybta 2-aad.[Daawo]

March 2, 2014 - Written by Editor

Sh-Cabduqaadir-Nuur-FaaraxBoosaaso:-Qaybtaan waxay ka hadlaysaa Waxqabadkii Sheikha ee baaxada lahaa qaybada ka mid ah, markii aan raad raac kusamaynay waxqabadkii Sheikha waxaa muuqatay inaan lagu dabooli kari waqtigaan kooban sidaas daraadeed waxaan kasoo qaadanaynaa intaan ka gaaray. Sh.Cabuqaadir Nuur Faarax waxqabadkiisa kuma koob nayn dacwada oo kaliya ee wuxuu ahaa mid isu dheeli tiran, oo daboolaya dhinacyo badan, haday ahaan lahayd dhinaca waxbarasha, gurmadka iyo gargaarka banii’aadanimo, caafimaadka, dadka dhimirka ka xanuunsan, siyaasada, nabadaynta iyo qaybaha kale ee arimaha bulshada. Waxaa kaloo qaybtaan looga hadlayaa doorkii uu kulahaa aas aasida xarakaad ka Islaamka ee Soomaaliya ka hirgalay.

Waxaad baran doontaa markaad filimkaan dhamaysato kumuu ahaa Sh. Abdulqaadir Nuur Faarax, Sidoo kale waxaad ka garaabi doontaa dilkii Sheikha ka dib sidii caalamkii laga yaqaanay Sheikha halmar isula kacay kacay murugo iyo caro wada socota, taasoo qiraysa fadliga uu Sheikhu ummadaan ku dhex lahaa.

Sidoo kale waxaad ku xasuusanaysaa xadiiskii Nabiga (scw)

((إِذَا أَحَبَّ اللَّهُ الْعَبْدَ نَادَى جِبْرِيلَ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ فُلَانًا فَأَحْبِبْهُ فَيُحِبُّهُ جِبْرِيلُ فَيُنَادِي جِبْرِيلُ فِي أَهْلِ السَّمَاءِ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ فُلَانًا فَأَحِبُّوهُ فَيُحِبُّهُ أَهْلُ السَّمَاءِ ثُمَّ يُوضَعُ لَهُ الْقَبُولُ فِي الْأَرْضِ ))

[البخاري عن أبي هريرة] “Illaahay markuu jeclaado adoon wuxuu u yeeraa Jibriil, illaahay wuxuu jeclaaday hebel ee jeclow, wuuna jeclaadaa jibriil, wuxuuna u dhawaaqaa sammada ahalkeeda, illaahay wuxuu jeclaaday hebel ee jeclaada, wayna jeclaadaan sammada cida kusugan, markaa kadibna dhulka ayaa loo dhigaa qubuul (aqbalaad).

Waxaan u rajaynaynaa Sheikha dadkaas inuu ku jiro, illaahay isaga iyo anagaba hanagu daro. Lasoco Qaybta 3-aad ee ugu danbaysa insha allaah. Muuqaal Taariikheed kan waxaa idiin soo gudbiyey Minhaj Media Production,waxaana soo agaasimay soona saaray Sheekh Xassan Dhooye talo iyo tusaalayn fadlan kusoo hagaaji dhooye@hotmail.com.

Hoos ka Daawo Dacwadii Soomaaliya iyo Dowkii Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax Qaybta 2-aad

Minhaj Media Production
Xassan Dhooye MNPL

Comments are closed.

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online