Furayaasha guusha W/Q: C/llaahi Sh. Xambali Xaaji C/Suldaan

March 31, 2014 - Written by Editor

Maqaal-300x158بسم الله الرَّحمن الرَّحيم الـحَمْدُ للَّـهِ رَبِّ الـعَـالـَمِـيـنَ، عَـلَى فَـضْـلِـهِ وَإِحْـسَـانِـهِ، لا نُحْـصِي ثَـنَـاءً عَـلَـيْـهِ، هُـوَ كَـمَـا أَثْنَى عَـلَى نَـفْـسِـهِ، وَأَشْـهَـدُ أَنْ لَا إِلَـهَ إلا اللَّـهَ وَحْـدَهُ لا شَـرِيـكَ لَـهُ، وَأَشْـهَـدُ أَنَّ مُـحَّمدًا عَـبْـدُهُ ورسُـولُـه صَـلَّى اللَّـهُ عَـلَيْهِ وَعَـلَـى آلِـهِ وَأَصْـحَـابِـهِ وَسَـلَّمَ تَـسْـلِـيمًـا كَـثِـيـرًا. Guusha aadanuhu waxay ku xidhan tahay hadba sida uu u fakaro, qofkii u fakara si wacan wuxuu gaadhaa meel sare. Qofkii six un u fakarana wuxuu noqdaa qof liita.  Fikirka saxda ahi wuxuu dhalaa dalaan fiican. Qofkii dadaalana dantiisa ayuu gaadhaa.

Daalka iyo wahsigu jirdhku wuxuu ku dhaxalsiiyaa dayac iyo dibdhac badan. Daalku hadduu maskaxda kaaga dhacana, reer koonfurku waxay dhahaan “Nabad Allaha ku yeelo” oo ay uga jeedaan way kuu dhamaatay. Waxaa lagama maarmaan ah inuu qofkasta dadnimadiisa dhiso, ama uu horamariyo si uu u guuleysto labada daaroodba.

Qof kasta kaalin ayuu ku leeyahay horumarinta dadnimadiisa iyo bulshadiisaba. Ilaahay SWT. wuxuu qur,aanka noogu sheegay inuusan qolo xaalkooda badalaynin ilaa ay iyagu isbadalaan.  Dadku waxay uurka hooyooyinkood ka soo baxaan iyagoo siman, islamarkaana aan waxba kala ogayn. Kadibna waxaa bilowda baratan ama kala dheerayn. Si uusan qofka u seegin kaalintiisa ku beegan dhismaha dadnimadiisa, wuxuu Ilaahay ku galadaystay  awoodo iyo fursado badan, oo ay kamid yihiin:-

1) Caqliga

2) Maqalka

3) Iyo araga.

Haddaba siduu qofku shakhsiyadiisa ku dhisi karaa, turunturooyinka ka hor imanayana uga talaabsan karaa ?
Isku kalsoonaan: Kalsoonida naftu waa furaha ugu horeeya furayaasha guusha. Baltanka, hashtakaynta, kalsoonni darrada iyo dareenka liitana waa fashil iyo guuldarro bilowgeed. Nabbigeenu (csw). wuxuu nagu booriyay inaan ku dadaalno waxyaabaha ina anfacaya anagoo Ilaahay kaalmaysanayna, daalka iyo caajiskana ka dheeraanayna.

Kalsoonidu naftu ma aha inaad dadka iskala waynaato, ama aad kibirto, ee waa inaad dareento inaad ka guul gaadhi doonta- insha Allaah- ujeedada aad u nooshahay,  howsha aad ku gudo jirto iyo hadafka aad beegsanayso, adigoo u maraya dadaal iyo adkaysi badan. Waxaa horey loo yidhi: Ninkaan shaqaysanin shaah waa ka xaaraan. Waxaa kaloo la yidhi: Ninkii sabraa sadkiisa hela.

Aqoonta:

Aqoontu waa furaha labaad ee guusha, maxaa yeelay aqoontu waa iftiinka nolasha, waa miisaanka uu qofku ku kala soocayo guusha iyo guul darrada, samaanta iyo xumaanta, toosnaanta iyo qaloocnaanta. Qur,aanu inbadan ayuu Ilaahay ku amaanay aqoonta iyo dadka aqoonta leh, sidoo kalana inbadan ayuu ku ceebeeyay jahliga iyo dadkiisa.
Ilaahay swt. aayado badan ayuu ku tilmaamay inay aqoonta iyo iimaanku isleeyihiin, sidoo kalana wuxuu isku jeel ka dhigay aqoon darada iyo haboowga (baadinimada).

Bulshada soomaaliyeed marxaladda adag ee ay maanta marayso waxay uga gudbi kartaa aqoon iyo isku kalsoonaan. Sidaa daraadeed waxaan ugu baaqayaa in loo dareero xarumaha aqoon korarsiga, si aynu uga qaadano iftiin, si aynu u kala garano gobanimada iyo gumeeysiga, guusha iyo guul darrada, cudurka iyo caafimaadka, colaadda iyo nabadda, saxda iyo khaladka.

Tafaa,ulka: Waa la doogiye yaan la dacaroonin !!.
Aduunyada waxaa ka buuxa, boholo aad ku kufayso iyo qodxo ku mudaya, sidaa awgeed waxaa loo baahan yahay inaan la niyad jabin. In la ogaado, in dhib walba ay dheef ka danbeeyso, culeeys walbana uu labo fudeeyd u dhaxeeyo, sida uu Ilaahay noo sheegay. Nabbigeena csw. wuxuu ahaa mid tafaa,ul badan.

Isagoo deegaankiisii laga soo barakiciyay, ayay isaga iyo saaxiibkii Abuubakar (rc) u guureeyay magaalada Madiina, kadibna waa la raad qaaday.  Si ay cadowga uga gabadaan waxay galeen god. Markii la kor yimidna Nabbigu (csw) wuxuu ku yidhi saaxiibkii Abuubakar (rc):  Maxaad u malayn labo qof oo uu Ilaahay seddexeeyo ?

Kadib markuu Madiino tagay, waxaa isu gaashaan buureeystay gaaloo idil. Kadibna waatay muslimiintu magaaladda Madiina godka ku wareejiyeen si aan loogu soo galin. Nabbigu (csw) isagoo godka qodaya, fardihii cadawgana ay dulhoganayaa, waakii lahaa: Allaahu akbar !! Kisraa waa la furtay.

Tafaa,ulku waa malaha wanaagsan iyo inaad dadaal dabadii filato guul iyo liibaan, arintaasi waxay ku dhaxalsiin inaad si ay kalsooni ku jirto dhibka aad dheef ku gaadho, abaartana aad aaranka ku gaadho. Gabagabadii Ilaahay waxaan ka baryayaa, inuu towfiiqda nawaafajiyo, tusmooyinka diinteenana uu natuso. Isku kalsooni iyo aqoon na anfacdana uu nasiiyo. Dalka, dadka iyo diintana uu noo xifdiyo.

W/Q: C/llaahi Sh. Xambali Xaaji C/Suldaan
28 maarso 2014.

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online