Khudbadii Jimce ee Masjidka Al-Rowda ee Boosaaso Sh.Daahir Aw Cabdi.[Dhagayso]

March 14, 2014 - Written by Editor

Sh_DaahirBoosaaso:-Sh.Daahir Aw Cabdi oo ka mid ah Culimada waaweyn ee dalka Soomaaliya aadna loogu xasuusto Masjidkii Ceel hindi ee magaalada Muqdisho ayaa maanta khudbadii Jimacaha waxaa uu ka jeediye Masjidka Al-Rowda ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Sheekh Daahir Aw Cabdi Xafidahulaah ayaa khudbadii Jimcaha waxaa uu uga haday dhagarta gaalada iyo kuwa ay soo adeegsatay ay u maleegayaan haweenka Soomaaliyeed ee Islaamka ah ee qiimaha badan

Haweenka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu yaqaan dhowrsanaan iyo in ay diinta Islaamka ku dhagan yihiin iyaga oo lafdhabar u ah Umada Soomaaliyeed waxaana weerar joogta ah oo aan kala har lahayn ku haya Hay,ado NGO-Ah oo gaalada dabada ka riixeyso. Sheekh Daahir Aw Cabdi ayaa si kulul uga hadlay is dhex galka ,iyo qeylada baryahaan soo badatay oo ah in dumarka xuquuqdooda la dulmiyey waxaana arin kaas loo furtay Radiyaal u gaar ah Dumarka iyo NGO-tiro badan oo lacag faro badan ka hela gaalada.

Deegaanada Puntland ayaa waxaa ay culumada bilaabeen wacyi galin iyaga oo dumarka u qabtay dowrooyin kala duwan waxaana ay uga digeen in ay dhag u dhigaan kuwa waxmagarata ah ee doonaya in ay lumiyaan Dumarka Muslinka ah. Sheekh Daahir Aw Cabdi ayaa ku waaniyey umada Soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan dhagarta loo maleegayo wuxuuna dumarka ugu baaqay in ay ku daydaan dumarkii saalixiinta ahaa oo ay u horeeyaan Umahaad Muminiin allaha ka raali noqdee.

Sheekh Daahir Aw Cabdi ayaa sidoo kale wuxuu dumarka xasuusiyey in xuquuqdooda ay dhowrtay diinta Islaamka talada iyo jagooyinka qaarkoodna aysan tabarba u hayan in ay qabtaan oo ragii qaarkood aan loo ogalayn. Sheekh Daahir Aw Cabdi ayaa sidoo kale ka hadlay kuwa magac diin sheeganaya haddana leh dumarkii baa xuquuq ka maqan tahay wuxuuna ku tilmaamay kuwa aan diinta waxba ka aqoon Sheekh ayaa ka digay magacyada gaalada oo ay dumarkii la baxayaan baryahaan isagoo ka sheekeeyey dowladdii Shuuciga ahayd ee Soomaaliya sidda dumarka loo weeraray balse dacwada iyo culimada Soomaaliyeed ay u dhabar adaygeen.

Hoos ka Dhageyso Khudbadii Jimcaha ee Masjidka Al-Rowada Sh. Daahir Aw Cabdi


Halgan.net
Boosaaso

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online