Sh Bashiir Axmed Salaad oo ka qayb galay shirkii رابطـة العــالــم الإســلامــي ee ka dhacay Mekkah[Dhagayso]

March 11, 2014 - Written by Editor

raabidMekkah:-Waxaa lagu qabtay Sacuudiga gaar ahaan magaalada Mekkah Mutamar ay iskugu yimaadeen culimo fara badan oo caalamka ka kala yimid waxaan Mutamarkaas soo qaban qaabiyey رابطـة العــالــم الإســلامــي waxaan Soomaaliya uga qayb galay Guddoomiyaha Hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh.Dr Bashiir Axmed Salaad.

Guddoomiyaha Hay’adda culimada Soomaaliyeed ahna Amiirka Jamaacada Ictisaam bilkiaab wasuna Sh.Bashiir Axmed Salaad ayaa waxaa Mutamarka ay qabatay رابطـة العــالــم الإســلامــي ka waraystay Idaacadda Quraanka Kariimka ee Xikmaha ee magaalada Garoowe  isagoo Sheekhu uu uga waramay waxyaabaha ay culimada Islaamku ay ugu hadleen kulankooda.

Sheekh Bashiir Axmed salaad ayaa sheegay in shirka looga hadlay iskaashiga iyo isbahaysiga Muslimiinta wuxuuna sheegay in culumo waaweyn ay caalamka islaamka isaga yimaadeen si loo lafo garo qaabka ay Muslimiinta isku kaashan karaan dhinac walba.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay رابطـة العــالــم الإســلامــي ay jirtay in ka badan 40 sano waxaana xubno ka ah culumada iyo aqoonyahanada caalamka Islaamka. Shirka looga hadlayey Iskaashiga Muslimiinta ee ka dhacay Mecca ayaa waxaa looga hadlay wadamada Caalamka Islaamka oo ay dhibaatadu ka jirto waxaana si gaar ah looga hadlay mushkilada Soomaaliya. Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sidoo kale sheegay in gunaanadkii shirka laga soo saaray warmurtiyeed taabanaya arimo muhiim ah.

Mutamarka sanadkan ayaa waaxaa cinwaankiisa uu ahaa (مؤتمر التضامن الإسلامي) waxaana diirada lagu saaray waxaana ka mid ahaa arrimahii looga hadlay uu Sh Bashiir Axmed Salaad ka xusay arrimo dhowr ah oo kala ah:-

1.In Muslimiintu ay la dagaalamaan Jahliga ayna noqdaan Umada khilaafkooda ku dhameeya wada hadal.

2.Burburka ku socda Shucuubta Islaamka iyo dhibaatooyinka ka jira dalalka islaamka oo ay culimadu sheegeen in looga bixi karo iskaashi iyo midnimo.

3.In Muslimiintu ay is kaashadaan in ay tahay arrin waajib ah oo diintuna na amartay.

4.In culimadu ay soo jeedisay in bulshada iyo madaxdoodu ay is kaashadaan oo qolo walba waajibka saaran ay ka soo baxaan.

5.In Muslimiintu ay ka foojignaadaan arrimaha horseedi kara in cadaw muslimiintu uu ka faa’iidaysto khilaafka dhexdooda ah loona baahan yahay in ay iska ilaaliyaan fara gelinta.

6. In iskaashiga Muslimiinta uu noqdo mid waafiqsan Shareecad Islaaamka uuna ahaado mid loo dhan yahay.

7.In Muslimiintu ay dadaal ku bixiyeen fidinta diinta Islaamka Halkaan ka eeg magacyadda culimada  Islaamka ee ka soo qayb gashay Mutamarka

Hoos ka Dhagayso  Waraysiga Guddoomiyaha Hay’adda culimada dalka Soomaaliyeed Sh.Bashiir Axmed Salaad

Halgan.net
Garoowe

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online