Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo gaaray magaalada Kismaayo

April 17, 2014 - Written by Editor

Dekedda-KismaayoKismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in saaka uu Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi iyo saraakiil uu horkacayo ay gaareen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi  ayaa inta uusan ka dhoofin garoonka diyaaradaha magaalada Garbahaarrey ee xarunta gobolka Gedo wuxuu sheegay in kismaayo uu u tagayo arrimaha dib-u-heshiisiinta ee ka socda magaalada Kismaayo.

Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi ayaa kulamo kala duwan la yeelan doona  saraakiisha ciidamada DFS ee ku sugan Kismaayo.Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in Raisulwasaaraha DFS Cabdiweli Sheekh uu u yeeray Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online