Abu Qataada Al-Falastiini oo Daacish ku tilmaamay in ay yihiin Khawaarij (Akhriso)

April 29, 2014 - Written by Editor

abuqataadaSuuriya :-Abu Qataada Al-Falastiini oo ka mid ah wadaada aadka ula dhacsanaa  Ururka Al-Qacida  iyo kooxaha la fikirka ah ayaa waxaa uu qorey Risaalo cusub waxaana uu aad uga hadlay xaalada Suuriya gaar ahaan kooxda Khawaarijta ah ee Daacish wuxuuna ku sifeeyey in ay yihiin khawaarijtii uu sheegay Nabigeena Maxamed CSW Risaalada cusub ee Abu Qataada ayaa waxaa cinwaanka uu yahay رسالة إلى أهل الجهاد ومحبيه

Abu Qataada Al-Falastiini ayaa waxaa uu si cad u sheegay in kooxda Daacish ay yihiin Khawaarijtii uu ka digay Nabigeena Maxamed CSW wuxuuna yiri ولقد حاولت جهدي سراً وعلناً أن أدفع المكروه عن كل من انتسب إلى الجهاد وأهله، ولكن بعضهم ولغ في الباطل والشر والضلال إلى أذنيه، وصار همه إفساد الجهاد لا الإحسان إليه، فكانت هذه الكلمات التي يتحمل ما فيها من كان سبباً لها ألا وهي قيادة الدولة الإسلامية في العراق بفرعها في بلاد الشام، فقد تبين لي بيقين لا أشك فيه أن هذه الطائفة بقيادتها العسكرية والشرعية التي تفتي لهم أفعالهم أنهم كلاب أهل النار وهم أحق من دخل في قوله صلى الله عليه وسلم: ) يقتلون أهل الإسلام ويذرون أهل الأوثان لئن أدركتهم لأقتلنهم قتل عاد( لا أتردد في حكم هذا القول لسوء صنيعهم وفعالهم، ولقد دفعت الأسئلة ما استطعت نصحاً

Abu Qataada Al-Falastiini ayaa waxaa uu talooyin horey ugu diray kooxaha halganka ka wada Suuriya waxaana uu qoray Risaalo cinwaankeeda uu u bixiyey.(رسالةلأهل الجهاد بالشام) waxaana talooyinka uu soo jeediyey ka mid ahaa  ,midnimada Mujaahidiinta ,xalinta khilaafaadka ka dhex aloosan iyo in ay xaaraan tahay in koox gaar ah ay qaadato  Baycada Imaamkii Caamka ahaa.Halkan Ka Akhrisa .(رسالةلأهل الجهاد بالشام

Abu Qataada Al-Falastiini ayaa waxaa kale oo uu aad uga digay dhalinyarada jahliga ku sugan oo aan shareecada Islaamka iyo Maqaasideeda aan waxba ka aqoon ee risaalooyinka tirada badan iska qoraya iyaga oo aan fahmin nusuusta iyo waaciga umada ay ku sugan tahay.

Abu Qataada Al-Falastiini ayaa ugu baaqay kooxaha Mujaahidiinta in ay sameystaan Maxaakim Islaami ah si khilaaf kasta oo yimaada loo xaliyo wuxuuna ka digay in Jihaadka ka socda Shaam la hagal daaciyo iyada oo la eeganayo dano kooxeed iyo mid shakhsi ah taasna waxaa diiday kooxda Daacish oo uu hogaamiyaha u yahay Abu Bakar Al-Baqdaadi.

Sida aan qormooyinkii hore ku soo marnay Risaaladii hore ee Abu Qataada ee ahayd .(رسالةلأهل الجهاد بالشام) waxaa radiyey oo daaqada kala baxay wadaad lagu magacaabo أبو المنذر عمر بن المهدي آل زيدان wuxuuna u bixiyeyoo uu u bixiyey (“النقض لقول من جعل الخلافة الاسلامية من دين الرفض”) Halkan ka Akhriso.

Risaalada Cusub ee uu qoray Abu Qataada Al-Falastiini ayaa waxaa ay muujineysaa sida kooxda Daacish iyo Taageerayaasha Al-Qaacida ay ugu kala baxeen laba wado oo aad u kala fog waxayna bilaabeen taageerayaasha labada dhinac in ay is gaaley siiyaan markii ay umada Muslinka ah in badan dhibeen oo gaaleysiiyeen . Halkan ka Akhriso Risaalada Cusub ee Abu Qataada رسالة إلى أهل الجهاد ومحبيه

Kooxda Daacish ee ka howlgasha dalka Ciraaq iyo Suuriya ayaa waxaa ay mareysaa xaaladii ugu liidatay ka dib markii ay wadaadii taageersanaa Al-Qaacida ay ka bari noqdeen ayna ku tilmaaameen in ay yihiin Khawaarij .Kooxda Daacish ayaa waxay saameyn balaaran ay ku leedahay oo ay isku manhaj yihiin Daacishta Soomaaliya ee Al-shabaab.

Halkan ka Akhriso Daacish oo diiday dhamaan talooyinkii ay u soo jeediyeen Wadaada kooxda Al Qaacida

W/Q C/Casiis Maxamed
Halgan.net, Suuriya

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online