Anwar Maalik oo shaacada ka qaaday sir badan oo ku saabsan Xisbulaah iyo kooxda Daacish(Daawo)

April 7, 2014 - Written by Editor

anwarWariye Anwar Maalik ayaa waxaa uu wareysi xasaasi ah oo uu siiyey Tv Wisaal waxaa uu shaaca ka qaaday Asraar badan oo ku saabsan Xisbul Laata ee Lubnaan iyo kooxda Daacish oo uu madax ka yahay Al-Baqdaadi.

Wariye Anwar Maalik ayaa sheegay in dhamaan asraarta uu helay uu ka helay Saraakiil sare oo ka tirsanaa ciidanka Nabadsugida ee dalka Suuriya kuwaas oo ka baxsaday dowlada Suuriya .

Anwar Maalik ayaa waxaa uu Tv Wisaal ku soo bandhigay Dukumiintiyo  Muhiim ah waxaana ugu horey uu soo bandhigay dilkii wiil uu dhalay Xasan Nasra Laah oo magaciisa uu ku sheegay  Haadi Xasan Nasra laah kaas oo uu aabihiis sheegay in uu ku dhintay dagaal uu la galay dowlada Yahuuda waxaana caalamka loo tusan halyey ka baxay Reer Xasan Nasra ah ,balse Qoraal uu soo bandhigay Wariye Anwar Maalik  oo uu ka helay Mukhaabaraadka dalka Suuriya waxaa lagu xusay in uu ku dhintay markii gabar ay isku qabsadeen wiilal kale oo ay dhaleen madax sare oo ka tirsan dalka Lubnaan ka dibna lagu dilay tooray isaga oo ku sugan caweys.

Ka dib markii uu dilka Haadi Nasra laah soo gaaray aabihiis iyo dowlada Lubnaan  ayaa la qariyey waxaana Tv laga shaaciyey in uu ku dhintay dagaal fool ka fool ah oo dhexmaray ciidamada Xisbulaah iyo ciidanka Yahuuda kaas oo ka dhacay koonfurta dalka Lubnaan.

Wariye Anwar Maalik ayaa waxaa kale oo uu si faahfaahsan uga waramay xiriirka ka dhaxeeya ciidanka sirdoonka dalka Suuriya iyo kooxda Xisbulaaha ee shiicada ah wuxuuna sheegay in ciidamo ka tirsan Xisbulaah ay dagaalka inta uusan bilaaban ka hor ay jogeen dalka Suuriya,

Qoraalada uu soo bandhigay Wariye Anwar Maalik ayaa waxaa sidoo kale ku xusan rag badan oo ay si hoose u khaaarajiyeen sirdoonka dalka Suuriya iyo hogaanka sare ee Xisbullaah ee shiiciga ah ka dibna laga dhigay in ay dagaalo lala galay Yahuuda ku dhinteen lagana dhigay in ay Shuhado yihiin ! xili xiriir hoose ay leeyihiin sirdoonka Suuriya ,xisbulaahlaah,Iran iyo Yahuuda xooga ku heysta dalka Falastiin.

Wariye Anwar Maalik ayaa sidoo kale waxaa uu soo bandhigay oo ka hadlay xiriirka ka dhexeeya kooxda Daacish ,Sirdoonka dowlada Suuriya iyo Ciraaq waxaana uu Wariye Anwar xusay in sirdoonka dalalka Iran,Ciraaq ,Suuriya iyo Xisbulaah ay kulmeen waxayna go,aan ku qaateen in dalka Suuriya loo sahlo in ay soo galaan wax ay ku sheegeen Al-Takfiiriyiin si loo sameeyo koox burburisa Mashruuca Jihaadka ee ka socda dalka Suuriya kaas oo dhabar jab ku ah hadii uu guuleysto Yahuuda,Iran ,Ciraaq iyo Xisbulaah waana mida maanta socota oo xitaa ay hogaanka Al-Qacida ka qeyliyeen.

Sirdoonka dalalka Ciraaq,Iran ,Suuriya iyo Xisbulaah ayaa waxaa ay si hoose go,aan u qaateen in xabsiyada laga sii daayo si farsameysan 2000 oo ka tirsan kooxda Dowlada Islaamiya ee Ciraaq iyo Shaaam ee loo yaqaan Daacish ka dibna loo sahlo in ay soo galaan dalka Suuriya si caalamka looga gado in dowlada Suuriya ay la dagaalameyso wax ay ugu yeeraan reer galbeedka Argagixiso xiriir la leh Al-Qaacida.

Dhanka kale Wariye Anwar Maalik ayaa soo bandhigay qoraal cadeynaya in sirdoonka dowlada Ciraaq ay balan qaadeen in ay xabsiga ka sii deyn doonaan xubnaha ka tirsan kooxda Daacish waxayna sidoo kale balan qaadeen in xuduudaha loo  fududeyn doona ,waxaaba taas ka sii daran in qoraalada lagu xusay  in Sirdoonka dalka Ciraaq ay rag ku leeyihiin gudaha kooxda Daacish! waxaa kale oo lagu xusay qoraalka in dowlada Iran ay rag badan ku leedahay kooxda Daacish!

Qoraalada uu soo bandhiga wariye Anwar Maalik ayaa waxaa uu sheegay in uu dhamaan ka helay saraakiil sare oo tirsan Sirdoonka dalka Suuriye ee haatan dibada dalka ku sugan wuxuuna sheegay in qoraalada uu helay ay gaarayaan ilaa 15000 oo dhamaantood ka hadlaya xiriirka ka dhexeeya mukhaabaraadka dalka Suuriya ,Iran ,Ciraaq iyo Xisbulaah  waxaana kale oo ay qoraalada ka hadlayaan qaab Sirdoonka u wada shaqeeyo dowladaha carabta qaab ay u sameystaa shirkado kala duwan ee ganacsi qaabka ay u khaarajiyaan ama u sameeyaan kooxa u shaqeeya oo hadhow ay ku burburiyaan mashruuca islaamiga ah .

Sidoo kale waxaa lagu faafiyey barta twitterka qoraalo aad u tiro badan oo ka hadlaya kooxda Daacish qaabka ay u sameysantay iyo cida sida gaarka ah u maalgalisay waxaana mar si gaar ah u soo bandhigi doonaa qoraaladaas hadii alle idimo

Hoos Ka Daawo Wareysiga Wariye Anwar Maalik uu siiyey Tv Wisaal.

W/Q C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online