Ciidan gaar ah oo ka socda dalka Uganda oo yimid magaalada Muqdisho

April 17, 2014 - Written by Editor

QmMuqdisho:-Ciidan gaar ah oo ka socda dalka Uganda laguna sheegay in ay ilaalin doonaa  shaqaalaha iyo xarumaha hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa saaka ka degay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Ciidankaan ka yimid dalka Uganda ayaa waxaaa tiradooda lagu sheegay 60 askari waxaan markii ay ka soo gaareen garoonka Aadan Cadde magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin ka socday Qaramada Midoobay oo uu horkacayo Ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay.

Ciidanka Uganda  ka imaanaya ee  loogu talagalay inay ilaaliyaan xarumaha Qaramada Midoobay ayaa waxaa tiradooda la gaarsiin doonaa ilaa 400 oo askari waxaan la filayaa in bisha April ay soo dhamaystiraan sidda uu saxaafadda uu u sheegay afhayeen dhinac howlgalka Qaramada Midoonay ee Soomaaliya Aleem Siddique.

Ilaa hadda lama yaqaan  wax ay sababay in cidamo ajnabi ah oo hor leh ay soomaaliya ku yimaadaan magac  kale oo ah in ay ilaalinayaan mas’uuliyiin ka socday Qaramada Midoobay balse waxaa cad in Soomaaliya ay noqotay meel laga biilo Cidamada dalalka dariska la ah Soomaaliya.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online