Ciidanka S/land oo ka baxay degmada Taleex una jihaystay dhinac magaalada Laascaanood

April 16, 2014 - Written by Editor

ciidanTaleex:-War hordhac ah oo dhawaan soo gaaray warqabadka Halgan.net ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan  S/land oo shalay  qabsaday Taleex ay saaka ka baxeen iyagoo u jihaystay dhinac magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Wararka ayaa sheegay in socdaan xalay ilaa saaka dhaqdhaqaaq xooggan oo ay wadaan ciidamo ka tirsan Puntland iyo ciidanka Kaatumo oo dhinac ah.

Wararka waxaa ay sheegayaan in Saraakiil ka tirsan S/land kana soo jeeda Gobolka Sool ay la kulmeen odayaasha dhaqan ee Taleex iyagoo si deg deg ah uga baxay magaalada ka dib markii ay dareemeen in shacabku ay diidan yihiin  joogitaanka ciidanka S/land.

Ka bixitaan Ciidanka S/land ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa  ka dib markii Ergaygga gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Nikolas Kay  uu codsi u diray Madaxda S/land iyo Puntland in arrinta Sool lagu dhameeyo wada hadal lagana fogaado wax dagaal keeni kara.

Nikolas Kay ayaa yiri “Waxaan ku baaqayaa in la muujiyyo degganaansho,xaaladda laguma xalin karo hab ciidan,Dhamaan dhinacyada ay arrintu qusayso waa in ay muujiyaan dulqaad, kuna kicin ficil keeni karo dagaal ”.Ilaa hadda lam yaqaan sababta ka danbaysay in ciidamo ka tirsan S/land  ay ka baxaan degmada Taleex  saaka xili ay shalay soo galeen balse waxaa la sheegayaa in arrintu tahay arrimo siyaasadeed oo la filayo in maalmaha soo socda ay soo shaac baxaan.

Wixii soo kordha dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa haddiii Alle idmo.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online