Duqa Degmada Gaalkacayo Iyo Ku Xigeenkiisa oo Maanta La Doortay (Masawiro)

April 18, 2014 - Written by Editor

IMG_0667Gaalkacyo:-Xildhibaanada golaha deegaanka magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa maanta si rasmi ah u doortay duqa degmada Gaalkacayo iyo ku xigeenkiisa, kuwaas oo kala ah Cabdi-casiis Max’ed Guuleed “Nugaal” oo noqday duqa degmada Gaalkacayo halka ku xigeenkiisana loo doortay Yacquub Max’ed Cabdalla.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Gaas iyo qaar ka mid ah golayaasha dawladda ayaa ka qayb galay munaasabadda doorashada maamulka Gaalkacayo, taasi oo ka dhacday hoolka shirarka ee xarunta Xaawo Aadan.

Doorashada duqa degmada ee magaalada Gaalkacayo ayaa waxaa ku tartamayay sadex xildhibaan oo kala ah C/llaahi Cabdi weli Gabayre,Xasan Max’ed Khaliif iyo Cabdi-casiis Max’ed Guuleed “Nugaal”.Wareegii kowaad ee doorashada waxaa ku tar tamayay sadexdaasi musharax, waxaana wareega labad u gudbay musharax C/casiis Maxamed Nugal iyo musharax Xassan Maxamed Khaliif.

Wareegii ugu danbeeyey ee doorashada duqa degmada ee magaalada gaalkacayo ayaa waxaa ku guulaystay C/casiis Max’ed Guuleed “Nugaal” oo helay 15-cod, halka Xasan Max’ed Khaaliifna uu helay 11-cod, iyadoo uu xumaaday 1-cod. Sidoo kale ku xigeenka duqa magaalada Gaalkacayo ayaa waxaa utartamayay Yacquub Maxamed Cabdalla iyo Cabdi Cismaan Faarax “Ciiro” iyagoo kula kabxay codad dhan 19-cod oo uu helay Yacquub Max’ed, halka Cabdi Cismaan uu helay 8-cod, waxaana ku xigeen ka duqa degmada Gaalkacayo ku guulaystay Yacquub Max’ed Cabdalla.

Markii ay doorashadu soo dhamaatay waxaa hanbalyo isu diray mudanayaashii guulaystay iyo kuwii laga guulaystay oo u tar tamayay hogaanka maamulka degmada ee magaalada Gaalkacayo. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa hanbalyo u diray masuuliyiinta kala duwan ee ku guulaystay hogaaminta maamulka degmada iyo masuuliyadda magaalada Gaalkacayo , wuxuun u sheegay in laga sugyo fulinta ballanqaadyadii ay sameeyeen.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale masuuliyiinta loo doortay usheegay in haddii ay fulin waayaan waxqabadka ay ballan qaadeen ay wareejin doonaan masuuliyadda saaran, isla markaana loo dhiibi doono cid kale oo ka bixi karta masuuliyadda degmada Gaalkacayo.

no images were found

Magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa si rasmi ah u heshay gole deegaan oo dhamaystiran , kadib sanado badan oo golaha deegaanka ee degmadu aanu shaqayn, waxayna arrintani qayb ka tahay ballanqaadyadii ay samaysay Dawladda cusub ee uu hogaaminayo Madaxweyne Dr. Cabd-weli Max’ed Cali Gaas.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi Gelinta Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online