Geesiyaal ka dhiidhiyey dhibaatada Islii W/Q Sh. Ahmed Dheeli

April 9, 2014 - Written by Editor

Maqaal-300x158Nairobi:-Qof kasta oo yaqaan dhaqanka ciidamada Kenya la yaabi maayo xad gudubyada ay ka sameeyeen xaafada soomaalidu degto ee Islii , taariikh madow bayna ku leeyihiin mar walba oo ay gacantoodu gaarto shacabka inay siday rabaan yeelaan gaar ahaan soomaalida, waxayna taas ku qarinayaan dhaqan xumo kale oo ah inay dadka baartaan oo dhacaan.

Askariga keenyaatiga ah sharciga iyo kala danbaynta waxaa uga muhiimsan waxa asaga jeebkiisa galaya , dhaca iyo boobkuna wadanka waa dhaqan aan aad la isula yaabin, waxaa tusaale noogu filan wixii ka dhacay dhacdadii caanka ahayd ee WESTIGATE, suuqaas oo ay taalay hanti aan lasoo koobi karin ayaa waxaan la wada soconaa in ciidamadu isku wareeji yeen, daqiiqado yar  kadib markii ay galeen kooxdii halkaas dhibaatada ka gaystay, laakiin suuqaas xoolihii yaalay xagee ku danbeeyeen? Jawaabta wuu garan karaa qof kasta.

Dhibaatooyinkii ay ciidamadaasi ka gaysteen gobolka Northeastern oo Soomaalidu degto xiliyo badan oo kala duwan waa mid marag ma doonto ah, waxaana ugu danbeeyey tii ay ka gaysteen magaalada Gaarisa gaar ahaan burburintii iyo gubidii suuqii magaalada ee SUUQ-MUGDI.

Shaki kuma jiro in soomaalida faraha badan ee Kenya joogta ay wadankaas ku hayaan culaysyo kala duwan oo amnigu ugu muhiimsan yahay, laakiin taasi marna marmarsiinyo u noqon mayso xadgudubyada baaxda weyn ee askarta Kenya ku kacayaan, maxaa yeelay qofka danbiilaha ah waxaa ku filan in sharciga la mariyo ayadoon jir ahaan, sharaftiisa iyo hantidiisa midna aan lagu xadgudbin.

Inkastoo ay xanuun badnayd wixii ka soconayey maalmahaan xaafada Islii haddana waxaan marna la ilaawi karin shaqada ay qabteen geesiyaal ay mudan tahay in taariikhdu xusto oo kala ah:

1). Geesiyaashii inta cabsi meel iska dhigay soo qaaday masawirada soomaali meel ay joogaanba qalbigooda dhaqaajiyey oo keenay mawjada carada ah oo ku khasabtay askartii inay jooji yaan foolxumadii ay faraha kula jireen waxaana ugu cajiibsanaa hooyada ayadoo culus khasabka lagu saarayo gaari-looriga askarta oo loogu talo galay xamuulka askarta kaliya, gabadha ku umushay jeelka oo askarigu qoriga la kortaagan yahay, iyo gabadha afarta adin askartu hayso sida jawaan gaari la saarayo IWM.

2). Xildhibaanada soomaaliyeed eek u jira barlamaanka Kenya  gaar ahaan Aaden Barre Ducaale oo ka dhiidhiyey waxa walaalahood lagula kacayo oo runtii ka hadal cadcadaa madaxda dawlada soomaalida oo inaba aan muujin wax ka dhiidhin ah qowl iyo ficil midna intaan ogahay.

3). Gabdhaha soomaaliyeed oo isku xilqaamay inay cunto iyo gargaar gaarsiiyaan dadkii askartu ku bahdilaysay jeelalka iyo garoomada lagu xareeyey gaar ahaan Fardowso Sheekh Xasan oo aan ka dhagaystay idaacadaha.
Ugu danbayn dhacdadaan iyo kuwo lamidka ah waa inaan ka qaadano darsi , kaasoo ah qofku sharaf wuxuu ku leeyahay wadankiisa , ceebtiisu waxay ku asturan tahay wadankiisa, sidaa awgeed dhamaan dadka soomaaliyeed waa inay u noqdaan Allaah, una towbo keenaan, islamarkaana u kacaan sidii lagu heli lahaa dawlad soomaaliyeed oo soo celisa kala danbayntii iyo nidaamkii taasoo ah xalka kaliya oo maanta ta taagan looga bixi karo.

W/Q Sh. Ahmed Dheeli

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online