Golaha Wasiiradda DFS oo dood ka yeeshay samaynta maamul goboleedyada

April 22, 2014 - Written by Editor

Cabdiweli-ShMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyey kulan aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka yeeshay samaynta maamul goboleedyada dalka. Golaha ayaa dood dheer ka yeeshay muhiimadda ay leedahay in si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka loo sameeyo maamulada gobolada, gaar ahaan deegaanada laga xoreeyey kooxaha nabad-diidka.

Golaha ayaa isku raacay in dhismaha maamulada goboladu ay noqdaan kuwo laga qaybgeliyo talada dadweynaha, waxana ay tallaabadaasi noqoneysaa mid isu soo dhoweysa shacabka iyo dowladda. Golaha ayaa sidoo kale tilmaamay in maamulada goboladu ay ka jawaabaan baahida dadweynaha, isla-markaasina ay dadku la xisaabtami karaan madaxdooda.

Ra’iisul Wasaaraha oo Shirka Golaha Wasiiradda ka hadlayey waxa uu yiri: “Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an samaynta maamulada gobolada ee dalka oo dhan, iyadoo loo marayo si waafqasan dastuurka “Maamulada goboladu waxa ay muhiim u yihiin dhismaha qarankeena. Maamuladu waa in ay noqdaan kuwo u dhow bulshada, si dadku u helaan fursad ay kula xisaabtami karaan madaxdooda

“Waxaa muhiimad leh in mudnaan la siiyo dhismaha deegaanada dhowaan la xoreeyey, si aanay u jirin marnaansho dhinaca ammaanka ah , isla-markaasina la hirgeliyo qorshayaasha dowladda ee lagu dhisayo degaanadaasi.”

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa canbaareeyey dil shalay suuqa Bakaaraha loogu geystay wiil dhalinayaro ahaa oo u halgami jiray nabadda iyo arrimaha bulshada Soomaaliya. Wiilkan oo lagu magcaabi jiray Maxamed Cumar Maxamed “ Caammir” ayaa waxaa toogasho ku dilay kooxo dhagar-qabayaal ah.

—DHAMAAD—

Abdirashid Muse
Press Officer, Office of the PM
+252616318823
Mogdisho-Somalia
Media@opm.gov.so

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online