Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Kulan La Qaatay Jaalliyadda Soomaaliyeed Ee Talyaaniga

April 17, 2014 - Written by Editor

IMG_6004Rome:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay ku suganyihiin dalka Talyaaniga ayaa xalay magaalada Rome kulan kula qaatay Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Talyaaniga.

Kulankan oo ka dhacay hotel ku dhow dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Rome ayaa waxaa kasoo qeybgalay Jaalliyadda Soomaaliyeed oo iyagu ka kala yimid gobollada kala duwan ee Dalkan Talyaaniga ayadoo ugu horeynna ay ka hadleen xubnaha Jaalliyadda kuwaasi oo iyagu muujiyey sida ay ugu faraxsanyihiin iney la kulmaan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa.

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalkan Talyaaniga Danjire Muuse Xasan oo isaguna hadal kooban ka jeediyey kulanka ayaa ugu horeyn ku ammaanay Jaalliyadda Soomaaliyeed ee Talyaaniga sida ay usoo dhaweeyeen islamarkaana ay safaaradda ula shaqeeyaan waxaana uu dhanka kale ballan qaaday iney safaaraddu ka shaqeyn doonto wax ka qabashada dhibaatooyinka dalkan ay kala kulmaan Soomaalida.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed SheekhCusmaan Jawaari oo isaguna kulanka khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn
Jaalliyadda u sharaxay halka ay mareyso xaaladda dalka iyo hormarradii ugu dambeeyey ee uu ku talaabsaday Golaha Shacabka Soomaaliya waxaana uu dhanka kale ku booriyey Jaalliyaddaha Soomaaliyeed ee dibadda ku dhaqan iney u istaagaan sidii dalkooda ay ugu soo laaban lahaayeen islamarkaana dowladnimadooda uga shaqeyn lahaayeen.

Kulanka intii uu socday waxaa su’aallo ay ku weeydiiyeen xubnihii  Jaalliyadda ee kasoo qeybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdigiisa
Xildhibaannada ah ayadoo su’aallahaasina ay ku qotomeen howlaha Baarlamaanka waxyaabaha u qabsoomay, waxa horyaala iyo qaabka uu noqon doono wadashaqeynta Baarlamaanka iyo Xukuumadda ayadoo isla xisaabtanna uusan meesha ka marneyn.

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ee qeybta ka ah wafdiga Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa uga jawaabay Jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalkan
Talyaaniga ayaga oo tallooyin iyo bogaadinna u jeediyey Jaalliyadda.

Kulanka oo kusoo gebageboobay jawi farxadeed ayaa waxaa dhammaadkii uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ka jeediyey Duco isaga oo Allena ka
baryey in Umadda Soomaaliyeed qalbigeeda uu u mideeyo iney aayaha dalkooda iyo dowladnimadooda usoo wada jeestaan.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online