Heshiis dhexmaray Puntland iyo dowladda Kuweyt oo ka dhacay magaalada Dubai.[Masawiro]

April 14, 2014 - Written by Editor

6Dubai:-Waxaa maanta magaaladda Dubai ee wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta ka dhacay heshiis ay ku kala saxiixdeen Dowladaha Kuweyt iyo Puntland kaas oo ah dhisitaanka garoonka diyaaradaha ee  magaaladda Garoowe iyo Jaamacada Maakhir ee gobolka Sanaag. Heshiiska ayaa,waxaa goob joog ahaa oo u saxiixay Puntland Wasiirka Maaliyadda Dr Shire Xaaji Faarax  iyadoo dhanka Kuweyt-na ay Saxiixday Shirkadda qandaraaska  dhismaha qaadatay  ee Marco ee u hoggaaminayey Nabiil. Waxaana sidoo kale halkaasi goobjoog ka ahaa  isku xiraha Kuweyt iyo Puntland Faysal Xawar iyo Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Generaal Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde).

Faysal Xawar oo halkaas khudbad dheer kasoo Jeediyey ,isaga oo sheegay in heshiiskan iyo Saxiixan uu laf-dhabar u yahay dhisitaanka labadaasi goobood. Waxaana uu sheegay in dhaqaale ahaan ay ku bixi doonto lacag gaareysa garoonka diyaaradaha ee magaaladda Garoowe 6-milyan oo doolar,halka Jaamacada Maakhirna ku bixi doonto 4-milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Dhanka kale Nabiil oo kamid ah mas’uuliyiinta sarsare ee Shirkadda Marco ee qandaraaska dhismaha qaadatay  ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin isla markaana balanqaadayaan in hawshan sida ugu dhakhsiyaha badan u dhameyn doonaan.

Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamuud Muuse Xirsi(Cadde) oo isna hadal kasoo Jeediyey madasha ayaa sheegay in heshiiska uu aad usoo dhaweynayo mashruuca ay dowlada Kuweyt ugu deeqday ,wuxuuna xusay in si wanaagsan loo qaban doono mashruucan.

no images were found

Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr Shire Xaaji Faarax oo qalinka ku duugay heshiiska ayaa sheegay in labada mashuuc uu muhiimad weyn ugu fadhiyo Shacabka Puntland isla markaana dhaqaalaheeda iyo waxbarashadeeda intaba.

Xafiiska Warfaafinta Maaliyadda Puntland
mofpuntland@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online