Isku soo bax Roob doon ah oo saaka ka dhacday magaalada Laascaanood

April 15, 2014 - Written by Editor

IMG_9166 - CopyLaascaanood:-Waxaa saaka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool looga dareeray Roob doon Ballaadhan sidda bulshada ku dhaqan magaalada Laascaanood lagu ogeysiisay shalay , gabi ahaan waxaa la qada fasaxay Ardeydii Dugsiyadda Hoose iyo Sareba , Malcaamadaha , iyo Goobihii Shaqada dhamaan. Dadka ku nool Magaaalada Laascaanood ayaa ahaa kuwo si wanaagsan iskugu soo baxay, si Alle (SW) la Isugu Dhul dhigo , loo baryo , Loogana soo noqdo wixii danbi iyo xad Gudub ah ee ka dhacay.

Shiikh C/Naasir Xaaji Maxamed Sh.c/naasir (Faraa’id) ayaa Jeediyey Khudbadii Roob Doonta , isaga oo Shiikhu Dadka u sheegey, kuna Wacdiyey In Alle (SW) u Muujiyaan in Dadku Alle uun leeeyihiin , oo Baahidooda Keligii uun siin karo,waxayna roob-doonta ku soo gabagabow dey waano iyo duco uu soo jeediyey Sh Axmed Maxamed Sulaymaan oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaaliya kuna nool Gobolka Sool.

Ugu Danbeyntii , Roob Doonta ayaa ahayd mid Jawi wanaagsan ku soo dhamaatay, iyagoo dadkuna alle (SW) ka rajeynayaan in uu u dhaafo wixii dunuub ah isla markaana uu siiyo naxariistiisa balaadhan iyo roob khayr qaba, maalmihii la soo dhaafay ayaa magaalada Laascanod ee Xarunta G/sool iyo deegaanada ku hareeraysan waxaa  laga dareemayey biyo yaraan, kulayl iyo abaar.

Golaha Ardayda ka baxday
Machadka AL-furqaan Lascanod

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online