Khudbadii Jimce ee Masjidka Al-Rowda ee Boosaaso Sh.Daahir Aw Cabdi.[Dhagayso]

April 14, 2014 - Written by Editor

Sh_Daahir1Boosaaso:-Sheekh.Daahir Aw Cabdi oo ka mid ah Culimada waaweyn ee dalka Soomaaliya aadna loogu xasuusto Masjidkii Ceel hindi ee magaalada Muqdisho ayaa mar kale maanta waxaa uu ka jeediyey khudbadii Jimce Masjidka Rowda ee magaalada Boosaaso isagoo Sheekhu uu ka hadlay in Khilaafada Islaamiga ay soo laaban doono haddii alle idmo dad kuna ay bishaaraystaan ayna ku dadaalaan in ficilkooda ay waafajiyaan Shareecadda Islaamka.

Sheekh.Daahir Aw Cabdi ayaa dadweynihii Khubadda dhagaysanayey dareensiiyey qaabka ay cadawga Islaamku ay gudaha iyo dibada uga dumiyeen khilaafadii Islaamka ilaa haddana aysan u ogalayn in dowladdii Islaamku ay dib u soo laabato oo dadka muslinka ah ay ku noolaadaan sharaf iyo haybad.

Sheekh.Daahir Aw Cabdi ayaa ku booriyey in dhamaan umada Islaamka oo dhan meel walba oo ay joogaanba in laga doonayo in ay raadi yaan oo ku dadaalaan in ay dib u soo noqoto Dowladdii Islaamka oo aan loo qaadan oo kaliya in koox ama culimo ay howshaas u taal taasna ay tahay khalad.

Sheekh.Daahir Aw Cabdi ayaa dhinac kale xusay in ay khalad ay tahay oo aan wax guulaha la gaari karin ilaa loo laabo dariiqii toosnaa ee Salafka ee Nabigeenu Naxariis korkiisa ha ahaatee uu baray una dhaliyeen dowladdii Islaamka qofkii ama kooxdii khilaaftan ay iyaga oo meel dhexe maraya ay arrimahoodu ay ku dhamaan doonaa fashil iyo burbur.

Hoos ka Dhageyso Khudbadii Jimcaha ee Masjidka Al-Rowada Sh. Daahir Aw Cabdi

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/qa7laosj45/Khudbada_Jimcaha_Sh.Daahir11-04-2014.MP3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online