Maamulka Gobolka Nugaal oo ka digay in la qabto shirar aysan la socon u jeedkiisa.[Dhagayso]

April 22, 2014 - Written by Editor

DSCN9994Garoowe:-Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdiqani Xaashi Carab oo ka qayb galay shir looga hadlayey amniga ayaa waxaa uu ka digay in la qabto shirar aysan la socon ama ogolaansho looga haysan maamulka Gobolka Nugaal. Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa hadal uu ka jeediyey shir looga hadlayey amniga oo ka dhacay magaalada Garoowe  waxaa uu ka sheegay in maamulka Gobolka Nugaal uu talaabo ka qaadi doono cid walba oo qabata shir wax u dhimaya amniga isagoo ku booriyey Issimad iyo Nabadoonada Gobolka Nugaal in ay dowladda kala shaqeeeyaan wixii wanaag ah oo ay ugu horeyso nabadgelyada.

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdiqani Xaashi Carab ayaa waxaa kale oo uu fariin dignin ah u diray saxaaafadda ka howl gasha gobolka Nugaal isagoo uga digay in ay faafiyaan warar been ah ama wax u dhimay amniga Gobolka Nugaal cid walba oo arrinkaas ku kacdana ay ka qaadi doonaan talaabo sharciga saxaafadda waafaqsan.

Dhinac kale Gaashaanle sare C/raxmaan Xaaji Abshir oo isagana ka hadal shirka amniga ee ka dhacay Garoowe ayaa waxaa uu xusay in ciidanka amniga aysan ogolaan doonin  in magaalada lagu qabto shirar aan lala soo socodsiin maamulka gobolka.

Taliyaha ayaa sheegay in ay jiraan dad ku mashquulsan in ay abaabulaan shirar ka dhan ah amniga ayna ka hortagi doonaan kuwa doonaya in ay iska horkeenaa dowladda iyo shacabka iyadoo gudiga nabadgelyada Gobolka Nugaal uu qaatay go’aan kaas.

Hoos ka Dhagayso khudbadii Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdiqani Xaashi Carab

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/227of3vgxg/shir.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online