Madaxweynaha DFS oo furay shir looga hadlayo ammaanka Qaranka

April 20, 2014 - Written by Editor

Xasan-ShMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta furay Shirweynaha Qaran ee Amniga. Shirkan oo ay Dowladdu qabanqaabisay kana soo qeybgaleen aqoonyahanno, khubaro dhanka amniga iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada, ujeedadiisuna tahay in arrimaha amniga la gorfeeyo oo talo ka timid shacabka Soomaaliyeed ay noo horseedo sidii aan u sii xoojin laheyn amniga iyo nabadeynta Somalia.

Madaxweynaha ayaa yiri “Dhaqanka fowadada ee 23kii sano na dilay waa uu sii dhamaanayaa. Shirweynahan Qaran oo aan qabsaneyno ayaa tusaale u ah horumarka dhanka amniga ka jira, oo ay ka soo qeybgalayaan Soomaali u dhuun daloosha amniga isla markaana laga filayo inay noo diyaariyaan qorshe dhaxal gal ah oo ay dowladdu dhaqan gelin doonto si dalka uu u noqdo mid heysta amni waara. Ka qeybgalayaashana waxey fursad u helayaan ay ku dhageystaan horumarka, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha dowladda, isla markaana ay iyagana ku biirin doonaan tallooyinkooda oo dhammaan shacabka wax tar u noqon doona marka la fuliyo.”

“Doodaha aad yeelaneysaa waa inay noqdaan kuwa xal u hela caqabada dalka ka jira oo ay ka mid yihiin dhaqanka fowdada, dagaalka iyo danaha gaarka ah oo dhammaan nooga baahan inaan bedelno. Waxaan rabnaa inaan helo ciidan tayeysan oo mas’uuliyidiisa u guta si wadaninimo leh, si ay u badbaadiyaan shacabka. Waad la socotaan Dowladda ma heysato dhaqaale ku filan, hay’adaha amnigana waxey u baahanyihiin dhaqaale joogta ah. Waana inaan xal u helnaa dhammaan caqabadaha na heysta si aan u helno xal waara ee dhanka amniga iyo nabadeynta dalka.”

Madaxweynaha ayaa ku soo gabogabeeyey “Amnigu waa aasaaska nolosha oo la’aantiis nololi ma jireyso. Waxaan rabnaa inaan doorashooyin qabano sanadka 2016, waana inaan wax badan qabanaa si aan hadafkaas u gaarno. Shirkan waxaan uga fadhinaa inuu xal u helo caqabadaha jira, Dowladduna waxey diyaar u tahay inay dhaqangeliso go’aanada shirka, iyo innagoo sii wadeyna qorshaha xasilinta dalka iyo maamul wanaaga. Sanadkan 2014 waxaa na horyaalla howlo fara badan oo nooga baahan inaan dar-dargelino oo aan rabno in sanadkan uu noqdo kii shaqada iyo waxqabadka.“

DHAMAAD

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online