Madaxweynaha DFS oo waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Saudi Arabia (Masawiro)

April 19, 2014 - Written by Editor

xasan_shMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Saudi Arabia. Saudi Arabia iyo Somalia waxey leeyihiin xiriir soo jireen ah.

Safiirka cusub Mudane Garam Bin Said Bin Garam Almulhan ayaa waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyey Madaxweynaha Somalia. Waxaana goob joog ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Cabdiraxman Ducaale Bayleh. Safiirka Saudi Arabia ayaa yiri “ Saudi Arabia waxaa ka go’an inay sii xoojiso xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, waxaana ka taageeri doonaa Somalia dhanka amniga, gar-gaarka bani’aadanimo iyo dib u dhiska Somalia.”

Madaxweynaha ayaa yiri “Wallaalaheen Sacuudiga waa saaxiibo in muddo ah taageero noo fidinayey oo sii xoojineysa xiriirka taariikhiga ah ee labada dal. Waxeyna naga taageeraan dhanka gar-gaarka bani’aadanimo oo ceelal fara badan ay ka hirgeliyeen Somalia oo shacabku aad baahi ugu qabo”

Madaxweynaha oo hadalkiisa wata ayaa yiri “Boqortooyada Sacuudiga waxaan kaloo iska kaashanaa la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah iyo sidii loo saxi lahaa fikirka qaldan ee kooxaha argagaxisada. Wasiirkeenna Gaashaandhiga baa dhowaan booqday Sacuudiga oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhiga Sacuudiga oo ay isku afgarteen sidii Soomaaliya looga taageeri lahaaen dhanka amniga, xasilinta iyo dib u dhiska dalka.”

Safiirka Sacuudiga ayaa dhambaal uu ka siday Boqorka Sacuudiga Boqor Abdallah Bin Abdulaziz Al Saud u gudbiyey Madaxweynaha Somalia. Dhambaalkaas oo ahaa in Sacuudigu sii xoojin doono xiriirka taaariikhiga ah ee labada dal. Ugu danbeyntii, Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Safiirka Sacuudiga ayaa shir jaraa’id ku wada qabtay xarunta madaxtooyada.

—DHAMAAD

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online