Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa oo gaaray dalka Itoobiya.[Masawiro]

April 24, 2014 - Written by Editor

IMG_1788-610x380Ethiopia :-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/iweli Maxamed Cali iyo wafdi uu hogaaminaayey oo saaka subaxnimadii ka soo ambabaxay magaalada Galkacyo ee Puntland ayaa gaaray laguna soo dhaweeyey Caasimadda Dalka Ethiopia ee Addis Ababa.

Socdaalka Ethiopia ee Madaxweyne Cabdiweli waxaa ku wehelinaaya Wasiirka Amniga dowladda Puntland Mudane Xassan Cusmaan Aloore, Wasiirka Waxbarashada Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame iyo saraakiil kale oo Madaxtooyada ka tirsan.

Wafdiga Madaxweyaha Puntland ayaa lagu martiqaaday shir ka dhici doona magaalada Bahir Dar oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ethiopia ayna iskugu imaanayaan Madaxda Dalalka Afrika loogana wada hadlayo qodobo ka mid ah Amaanka Qaaradda Afrika.

no images were found

Wafdiga Dawladda Puntland ayaa intay ay ku sugan yinhiin Ethiopia sidoo kale kulamo la qaadandoona Madaxda kala duwan ee shirka ka soo qayb galaysa.

–DHAMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta
Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online