Socdaalkii Madaxweyne Gaas Deegaanada Garacad Iyo Towfiiq.[Masawiro]

April 22, 2014 - Written by Editor

IMG_1547Garacad:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa dhowaaahan safaro kala duwan ku marayay deegaanada Gobolka Mudug, ayaa booqasho ku tagay deegaanada Garacad iyo degmada Towfiiq oo ka tirsan Gobolks Mudug.
Madaxweyne Gaas oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda ayaa waxa ay soo dhoweyn diiran kala kulmeen shacabka ku nool deegaanada Garacad iyo Towfiiq, waxayna dadweynuhu ruxayeen caleemo qoyan iyagoo sidoo kale watay sawirka Madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Cabdi-weli Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa la hadlay dhamaan dadweynihii kala duwanaa ee kusoo dhoweeyey Garacad iyo Towfiiq, wuxuuna si isku mid ah ugu sheegay inuu ku faraxsan yahay sida wanaagsan ee ay usoo dhoweeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Madaxweyne Dr.Gaas ayaa sidoo kale tilmaamay inuu si weyn u dareemay intii uu wadada kusii jiray dhibaatooyinka dhinaca nolosha ee ka jira deegaanada fog ee Gobolla Mudug, kuwaas oo ay ugu daran tahay wadooyinka oo aan hagaagsanayn, wuxuuna tilmaamay in Dawladdiisu ay si dhab ah u dabooli doonto baahiyaha jira intii awoodeeda ah, sidoo kalena shacabka Puntland laftooda looga baahan yahay inay ka qayb galaan horumarka deegaanadooda.

no images were found

Dhinaca kale booqashooyinka uu Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cadi-weli Max’ed Cali Gaas ku marayo qaybo ka mid ah gobolada Puntland ayaa ah kuwo uu ugu kuudh gelayo xaalada guud ee dalka ka jirta, isla mar’ahaantaana ka mid ah balanqaadyadii uu ubalan qadaay shacabka Puntland in dawladiisu gaadhi doono deegaanada fog fog ee aan madaxdii ka horaysay hore u gaadhin.

DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta,Wacyi-gelinta
Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online