Madaxweynaha Puntland oo dib ugu soo laabtay Gaalkacyo ka dib booqasho uu ku tegay deegaanno ka tirsan gobolka Mudug.[Masawiro]

April 14, 2014 - Written by Editor

IMG_9752Isniin 15, 04, 2014 Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyaan qaar ka mid ah masuuliyiinta golayaasha Dawladda ayaa maanta booqashooyin kala duwan kusoo maray deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Mudug.Magaalooyinka ay tageen wafdiga uu hogaaminayay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa ka mid ahaa RIIG-OOMANE, DAARA-SALAAM iyo BUR-SAALAX oo dhamaantood hoos yimaada degmada GAL-DOGOB .

Dadweynaha ku nool deeganadasi oo ruxayey caleemo qoyan iyagoo teetsan wadooyinka magaalooyinkaasi ayaa si weyn usoo dhoweeyey Madaxweynaha iyo wafdigiisa la socday, iyagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashada ay madaxweynaha iyo weftigiisu ku marayaan deegaanadaasi,waana markii ugu horaysay ee Madaxweyne hogaamiya Puntland uu deeganadaasi booqasho ku tago sida ay sheegeen dadweynihii ku sugnaa deegaanadaasi.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli ayaa dadweynaha ku nool deegaanada uu soo maray la hadlay ayaa uga mahad naqay sida wanaagsan ee ay usoo dhoweeyeen.

Wuxuu sidoo kale u sheegay in dawladda uu hogaaminayo ay ku dadaalayso sidii xooga loo saari lahaa horu-marinta arrimha bulshada si shacabka Puntland ay u heli lahaayeen is bedel muuqda.

no images were found

Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa isla maanta dib ugu laabtay magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug oo ay markii horeba socdaalkeeda kasoo bilaabeen.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online