Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyey degmada Jirriiban

April 20, 2014 - Written by Editor

IMG_1435Jariiban:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas iyo wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo maalmahanba safaro kala duwan ku marayayey deegaano ka tirsan goblka mudug ayaa maanta gaaray degmada Jirriiban oo ka mid ah degmooyinka gobolka mudug.

Madaxweyne Gaas iyo masuuliyiinta la socota oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan goloyaasha dawladda ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey degmooyinka u dhexeeya Balli-busle iyo Jirriiban, waxaana ka mid ahaa magaalooyinkii lagu soo dhoweeyey Buubi Seemade iyo booc waxayna dhamaan deeganadasi kula hadleen dadweynaha ku dhaqan , iygoo ka dhagaystay warbixino ku saabsan xaaladda deeganadaasi.

Madaxweynaha iyo Wafdiga uu hogaaminayo oo si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Jiriiban, ayaa waxaa madaxweyne gaas uu kala hadlay dadweynaha jarriiban goob fagaare ah , isagoo uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay usoo dhoweeyeenDawladda uu hogaminayo Madaxweyne Gaas ayaa dedaal dheeraada ugu jirta sidii ay uga dhabayn lahayd ballan qaadkeedii ahaa inay tagayso dhulka fog-fog ee deegaanada Puntland si ay u ogaato xaaladaha guud ee ay ku sugan yihiin shacabka reer Puntland

–DHAMAAD–

Xafiiska Warfaafinta,Wacyi-gelinta Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyada Puntland.

 

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online