Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo hambalyo u diray ciidanka xooga dalka Soomaaliya (Masawiro)

April 13, 2014 - Written by Editor

cameyGaroowe:-Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland Eng.Cabdixakiin C/ilaahi Camay ayaa maanta waxaa uu ka qeyb galay munaasabad balaaran oo ciidanka Puntland ay ugu dabaaldageen xuska maalinta ciidanka xooga dalka Somalia  kaas oo lagu qabtay magaalada Garoowe ee caasimada dowlada Puntland

Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa balan qaaday inay dadaal ugu jiraan helitaanka tiradda saxda ah ee ciidamadda kala duwan ee Puntland iyo sidii loo soo sii horumari lahaa wuxuuna aad u bogaadiyey qeybaha kala duwan ee ciidanka Puntland .

Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa sheegay saddex guddi oo kala duwan ay u saareen ogaanshaha tirada ciidamada kala duwan ee Puntland si loo tayeeyo waxbarashada,caafimaadka iyo addeegyadda ay xaqa u lee yihiin wuxuuna ka dhawaajiyey in waxbarasho lacag la’aan ah ay heli doonaan  caruurta ciidamadda kala duwan ee Puntland

Munaasabada  lagu xusayo maalinta ciidanka xooga dalka Somalia ayaa waxaa uu ka dhacay magalada Garowe xarunta Puntland gaar ahaan xeradda ciidamada 54-aad waxaana ay halkaas ciidamadu ku soo bandhigeen gaado ka cayaar kala duwan waxaana ay salaan siiyeen Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdilaahi Camay .

Gen.Dayir Xaaji Cabdi oo ah Ku xigeenka Taliyaha ciidanka Daraashiista Puntland ayaa ka warbiyey xaalada ciidanka Puntland waxaana  uu sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in madaxweyne ku xigeenka Puntland uu kala soo qeyb galo Puntland .Gen Dayr ayaa sheegay in Puntland aysan doorasho nabad ah ka dhacdeen hadaysan lahayn ciidamo xoogan oo sugan amaanka Puntland.

no images were found

Ugu danbeyntii ayaa waxaa khudbad dheer ka jeediyey munaasabada lagu xusay ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ee Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdilaahi Camay  wuxuuna balan qaad kala duwan u sameeyey ciidamada Puntland isaga oo ka codsaday shacabka Puntland in ay is garab taagaan ciidamada amaanka si looga hortago cadowga Puntland iyo Soomaaliya.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online