Mareegta Strategic Intelligence oo wax ka qortay Shidaalka Soomaaliya gaar ahaan Puntland

April 15, 2014 - Written by Editor

shidaalLondon:-Sida ay qortay Mareegta Strategic Intelligence ayaa waxaa ay sheegtay in dalka Soomaaliya gaar ahaa deegaanada Puntland ay ku jiraan balaayiin birmiil oo shidaal kuwaas oo hadii la soo saaro ama fursadan ay hirgasho ay Soomaaliya ka mid noqon doonto 20 dowlad ee qaniga ah.

Mareegta Strategic Intelligence ayaa sidoo kale sheegtay in DFS iyo British Petroleum ay heshiis kala saxiixdeen si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo Xeebaha Soomaaliya ee bad-weynta Hindiya .

Mareegta Strategic Intelligence aay si faahfaahsan u qortay jiritaanka kayd shidaal oo weyn oo ku jira Soomaaliya, kaasi oo wax badan ka beddeli doonta sicirka adduunka haddii la soo saaro Shidaalka ku jira Deegaanada Puntland.

Mareegta Strategic Intelligence ayaa muujinaysaa in gobolka Soomaaliyeed ee Puntland uu leeyahay 10 bilyan oo birmiil ama fuusto oo kayd shidaal ah .Khubarada ku xeel dheer Shidaalka iyo Gaaska ayaa sheegaya in dalka Soomaaliya laga heli karo 110 bilyan oo birmiil oo saliid ah iyo 100 tiriliyan oo Cubic feet oo gaas ah.

Dowlada Puntland ayaa horey baaritaan Shidaal ka sameysay Deegaano ka tirsan Puntland waxaana shirkadahii ku sameeyey baaritaanka ay sheegeen in 4 bilyan oo birmiil oo shidaal ah laga helayo ceelesha Shabeele 1 iyo Shabeel 2 ee deegaanka Dharoor.

Halkan ka Akhriso qoraalka ay Mareegta Strategic Intelligence ka qortay Shidaalka Puntland

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online