Masjidka Dar Al-qalam oo ku soo biiray Golaha Imaamyada Waqooyiga Maraykanka.[Masawiro]

April 16, 2014 - Written by Editor

23Minnieapolis: Maalinkii Sabtida ahayd April 12, 2014, xaflad wayn ayaa ka dhacday xafiiska Golaha Imaamyadda W/Ameerika ee Minneapolis. Xafladaas oo looga gol lahaa masajid cusub oo kusoo biiraya golaha imaamyada. Golaha Iimaamyada ee W/Ameerika waxaa la aas aasay bilowgii sanadkii 2001 iyadoo ay hogaami nayaan aas aaskaas culimmada Soomaaliyeed si ay u daboolaan baahida Diimeed iyo Dhaqameed ee mushtamaca ku cusub Waqooyiga Ameerika. Arintaasna aad ayuu ugu guulaystay goluhu, wuxuuna diintooda inay ku dhaganaadaan sabab u noqday Soomali badan oo ku nool Waqooyiga Maraykanka.

Xaflada Kusoo biirida Masaajidka Dar Alqalam ayaa waxaa kasoo qayb galay culumo ka kala socotay Golaha Imaamyada iyo Dar Alqalam, dhica golaha waxaa goob joog ka ahaa Sh. Abdiraxman Sh. Cumar, Sh. Abdalla Abul Fadli, Sh. Abdullahi Ibraahim, Sh. Maxamed Mursal iyo Masuu liyiin ka socday Dar Alqalam.

Dar Alqalam waa masaajid ku yaala waqooyi bari ee magaalada Minneapolis, Dar Alqalam wuxuu ku bilowday madarasa quraan, wuxuuna ahaa qayb ka mid ah dugsigii lagu dhigi jiray Masaajidka Shaafici ee xaafada Cedar intii aan loo wareegin Xarunta way ee Abubakar As-Saddique bartamihii 2005.

“Dugisigii Dar Alqalam wuxuu kasii furnaa xaafada Cedar, wuuna sii balaartay, waxaana lagu daray barnaamij gaar ah, kasoo ah caruurta aan iskuulka wali gaarin da’doodana u dhaxayso 3-6 in loo diyaariyo sidii Iskuul ka ay ula qabsan lahaayeen, iyo in labaro tarbiyada Islaamka.

Maadaama Dugsigii Dar Alqalam baraaltay, baahida bulshada ku dhaqan Minneapolis-na ay sii korodhay, ayaa laga fursan waayey in lagu fakaro in lahelo goob qayb ka qaadan karta baahida bulshada iyo xaqiijinta hadafka Dar Alqalam guud ahaan. Maamulka Dar Al-qalam waxuu ku guulaysatay in uu lasoo wareego bilowgii 2012 dhul baaxadiisu dhantahay sodon kun oo laba jibaaran, marka lagu daro goobta baabuurta la dhigto. (30.000 square feet) Waxay ka koobantahay xarunta Dar Alqalam, Masaajid rag iyo dumar ah, 9 fasal oo wax lagu barto, qolka shirarka, sadex – xafiis, maktabad, iyo Jiko.

Dar Alqalam waxaa nasiib wanaag u ahayd markii lagadayey inay ahayd xiligii dhaqaalaha Maraykanka hoos u dhacay, dhismaha qiimihiisa wuxuu ahaa hal malyan ( $1,00.000) waxaase laga bixiyey shanboqol iyo konton kun ($550.000) lacagtaas hada waxaa dhiman oo wali labixin laba boqol iyo afartan kun ($240.000)” Sidaa waxaa yiri godoomiyaha Dar Al-qalam Maxamed Cumar.

Sheekh.Cabdiraxman Sheekh. Cumar gudoomiyaha golaha shuurada ayaa ku tilmaamay midowgan mid lagu farxo macna wayna ugu fadhiya ummada Muslimiinta iyo gaar ahaan kuwa Soomaliyeed ee ku nool Waqooyiga Maraykanka. Sh. Cabdiraxmaan ayaa intaa ku daray dowrka culimmada iyo ducaada waa faafinta diinta iyo dhisida Masaajida, si loo helo goob hadafkaas wayn lagu guto, waxaana illaahay mahadii ah in Masaajido gaaraya 25 oo isku Manhaj ah ay ku midaysan yihiin golahaan in ku dhow 15 sano.

Sh. Abdalla Abul Fadli gudoomiyaha golaha fulinta, ayaa ku tilmaamay kusoo biirida Dar Alqalam arin farxad wayn ugu fadhido Golaha iyo guud ahaan muslimiinta. Waxaa sirasmi ah loo kala saxiixday,la isuguna wareejiye y qoraaladii heshiiska ee Golaha Imaamyada iyo Xarunta Dar Alqalam u dhexeeyey, waxaana u kala saxiixay labada dhinac, Gudoomiyaha golaha Shuurada Sheekh Cabdiraxman Sh Cumar, iyo Gudoomiyaha golaha fulinta Sh Cabdalla Abul-Fadli, dhinaca Dar Alqalam waxaa u saxiixay Imamka Masjidka Sh. Cabdulahi Ibraahim iyo Gudoomiyaha masjidka Sh Maxamed Cumar, waxayna xafladii ku soo dhamaatay guul iyo jawi aad u quruxbadan. Sh. Cabdulahi Ibrahim ayaa yiri waxaan rajaynaynaa in la sii xoojiyo midnimada iyo isku duubnida ku salaysan Manhajka toosan, waana arinka quraanku nafarayo inaan samaha isu kaalmaysano.

Golaha Imaamyada ee Waqooyiga Ameerika waxaa ku midaysan 25 Markis/Masaajid. Oo uu ugu danbeeyey Dar Alqalam oo noqonaya Masaajidkii 25-aad ee kusoo biira golaha Imaamyada ee Waqooyiga Maraykanka, xaruntiisuna tahay Magaala Minneapolis ee gobalka Minnesota.

no images were found

Isu taga masaajidaan ayaa ah midka ugu wayn ee Soomaalida qurbaha leedahay, gaar ahaan Waqooyiga Ameerika. Minnesota oo kaliya waxaa ka mid ah Golaha Masaajida iyo Imaamyada isu tagay ee Soomaaliyeed 11 Xarun/Masaajid.

Waxaa laga xiriiri karaa Golaha Imaamyada Soomaaliyeed.
The North American Council of Somali Imams Inc.
3355 Hiawatha Ave Minneapolis MN 554506
Phone: 612-874-0665612-874-0665
Warbixintan waxaa soo diyaariyey:
Xasan Dhooye
dhooye@hotmail.com
Minneapolis

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online