Muxaadaradii xalay uu Masjidka Rowda ka jeediyey Sh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur.[Dhagayso]

April 17, 2014 - Written by Editor

IMG_2462Boosaaso:-Waxaa xalay muxaadaradii 3aad ka jeediyey Nadwo diini ah oo ka socoto Masjid ka Rowda ee magaalada Boosaso Sheekh .Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur. Sheekh Fu’aad ayaa waxaa uu muxaadaradiisa uga hadlay Akhlaaqda Wanaagsan. Shiikh Fu’aad oo guda galay darsiga ayaa waxa uu sheegay in hal fadhi ama hal Muxaadaro aan lagu soo koobi karin Akhlaaqda wanaagsan oo ah mid aad uguda wayn, waxaana uu sheegay in uu wuxuun ka taaban doono Akhlaaqda Wanaagsan.

Shiikha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ka hadlay Akhlaaqda Wanaagsan iyo Qiimaha ay ku fadhido , sigoo sheegay In Anbiyadii Alle uu soo diray dhamaantood ahaayeen kuwo Akhlaaq wanaagsan, Nabi Muxamedna Alle ayaaba Quraanka ku sheegay in uu Akhlaaq Wanaagsan leeyahay sida Suuratul Qalan Alle ku sheegay , Nabi Muxamed waxaa laga wariyay in uu yiri : “Waxaa la ii soo saaray si aan u dhamaystiro Akhlaaqda teeda wanaagsan” Caaisha Umul Mu’miniin waxaa laga wariyay in ay tiri : “Nabiga Dhaqankiisu waxaa uu ahaa Qur’aanka.”

Shiikh Fu’aad waxa uu sidoo kale sheegay in Makaanada ama booska Diinta Islaamku ay dejisay Akhlaaqda Wanaagsan uu yahay Maqaam sare oo aad loo ilaaliyay. Intaa ka dib Shiikhu waxa uu tusaale u soo qaatay qaar ka mid ah Akhlaaqda Wanaagsan ee la doonayo inuu ku si foobo qofka Muslimka ah.

Hoos ka Dhagayso muxaadaradii Akhlaaqda Wanaagsan ee uu jeediyey Sh Fu’aad Maxamuud

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/0nawj5opef/3-Akhlaaqda_Wanaagsan_Sh.Fu_aad_Maxamuud_Xaaji_Nuuri.MP3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3


Mu’ssasad Minhaaj

Halgan.net, Boosaso

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online