Nadwo Cilmiyeedkii ka socotay Boosaaso Muxaadaradii Labaad Sheekh Maxamuud Xaliike

April 15, 2014 - Written by Editor

OLYMPUS DIGITAL CAMERABoosaaso:-Nadwo cilmiyeedkii ka socotay magaalada Boosaaso gaar ahaan Majidka weyn  Al-Rowda ayaa caawa gashay habeenkii labaad waxaana caawa muxaadarada jeediyey Sheekh Maxamuud Maxamed Xaliike waxaana cinwaanka muxaadarada uu ahaa  Nifaaqa iyo Calaamadahiisa .

Sheekh Xaliike ayaa muxaadaradiisa ku bilowday qeexitaan uu ku sameeyay waxa ay tahay Munaafaqnimo waxaa uu sheegay Munaafaqnimadu inay tahay in Qofku uu muujisto Wanaag iyo Khayr (inuu Muslim yahay ) islamarkaana uu qarsado Shar xumaan iyo Gaalnimo.

Sheekh Maxamuud Maxamed Xaliike oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ka waramay Cadaabka Munaafaqiinta iyo in ay ka cadaab daran yihiin Gaalada caadiga ah, taasina ay ku tusinayso Aayadaha Quraanka iyo Axaadiitha Nabiga.

Intaa ka dib Shiikh Maxamuud Xaliike waxaa uu Casharkiisa kusoo qaatay Qaybaha uu u qaybsamo Nifaaqo oo kala ah :

1.Nifaaqa Wayn oo loo yaqaano (Nifaaqa Ictiqaadigaa) oo ah midka Qofkii ku dhaca uu diinta kabaxayo islamarkaana uu Naarta ku waarayo isagoo oo xataa gaalada kasii hoosaynaya hadii uusan Tawbad keenin.
2.Nifaaqa Yar oo loo yaqaano (Nifaaqa Camaligaa) oo ah midka qofka aan Diinta ka saarayn, laakiin marka Dunuubta kale loo bar bardhigo uu kamid noqonayo Kabaairta hadii uusan Qofku ka tawbad keenin uu Naar ku mutaysanayo.

Sheekh Maxamuud Maxamed Xaliike waxaa uu sheegay in Saxaabadu ay ka baqi jireen Munaafaqnimada midkastaana hadii uu wax yar iska dareemo uu Munaafaqnimo isku tuhmi jiray, waxaana Tusaale uu usoo qaatay Cumar Binu Khadaab oo isagoo kabaqaya Munaafaqnimada u yimaaday Xudayfe Binu Yamaam isagoo ku yiri : “Ilaahay baan kugu dhaarshaye Nabigu Munaafiqiinta ma igu daray”.

no images were found

Dhanka kale Shiikh Xaliike waxaa uu Tilmaaamay waxyaabaha keena Nifaaqa yar ama Camaligaa isagoo soo qaatay Xadiithka Nabiga
عن عبد الله بن عمرو رضي الله عنهما عن النبي – صلى الله عليه وسلم – ، قال : أربع من كن فيه كان منافقا ، ومن كانت خصلة منهن فيه كانت فيه خصلة من النفاق حتى يدعها : من إذا حدث كذب ، وإذا وعد أخلف ، وإذا خاصم فجر ، وإذا عاهد غدر خرجه البخاري ومسلم .
Cabdulaahi Ibnu Cumar Alle labadoodaba haka raali noqdee waxaa uu Nabiga Salalahu Calayhi Wasalam kawariyay in uu yiri : “Afar kii laga helo waxaa uu noqonayaa Munaafaq dhab ah , kuu mid kamida Afartaas laga helana Qayb kamida Nifaaqa ayaa laga helay ilaa uu iskaga tago : Hadii uu Sheekeeyo Beenbuu sheegaa , Haduu Balan galo dib buu u dhigaa ama wuu kabaxaa , hadii uu doodana faajarnimuu sameeyaa , hadii uu Hishiis galena wuu kabaxaa” Bukhaari iyo Muslim baa wariyay .

Intaa ka dib shiikhu waxa uu ka hadlay farqiga u dhexeeya Laba Nooc ee Nifaaqa :
*Nifaaqa Caqadiga ah waa is Khilaafida waxa uurka kujira iyo waxa muuqda ee dhanka Caqiidada.
*Nifaaqa Camaligaa waa is Khilaafida waxa uurka kujira iyo waxa muuqda ee dhanka Camalka.
*Nifaaqa Caqadigaa Diintaa looga baxayaa Nifaaqa Camaligaana Diinta looga bixi mayo.

Sheekh Maxamuud Maxamed Xaliike oo hadalkiisa sii wata ayaa tiriyay qaar ka mid ah astaamaha lagu garto dadka ku sifaysan munaafaq nimada:
1.Ilaahay wax yar bay xusaan inta kalana maalaa yacni ayay wakhtiga ku dhameeyaan.

2.Waxba kuma bixiyaan Arimaha Khayrka , waxyaabaha aan diinta nacfi ugu jirinna way kubixiyaan.
3.Salaadaha oo dhan iyaga oo caajisan ayay usoo kacaan , waxaana ugu Culus agtooda Salaada Cishe iyo Salaada Subax.
4.Balanta way kabaxaan , Beenbayna ku sheekeeyaan , Amaanada way khiyaanaan , hadii uu doodana faajarnimo ayuu sameeyaa sidii aan horay ugusoo sheegnay.
5.Dadka iyagaa ugu Qalbi xun , Muuqaalkooduna waa Muuqaal qurxoon.
6.Diinta inta iyaga dantooda u sahlaysa ama ay rabaan ayay ka qaataan inta kala dhag jalaq uma siiyaan.
7.Mawqifkoodu ma cada oo Maanta Galinkiisa hore Muslimkay la socdaan intiisa Danbana gaaladay la socdaan , mar yuhuuday utagaan , marna nasaarada hadba meeshii ay Maslaxadoodu ku jirto ayay aadayaan Shiikh Xaliike aad buu ugu dheeraaday.
8.Waa ay Dhaar badan yihiin wax walba oo ay sheegaanna inay Dhaar ku kabaan bay isku dayayaan.
9.Qadaha iyo Qadarta ma rumaysna oo hadii wax dhacaan waxay leeyihiin hadii saas la samayn lahaa arintaani ma dhacdeen.
10.Mar walba Alle mala xun bay mar kasta ka maleeyaan.
11.Waxaa ay u xukun tagaan Daaquufta ama wax walba oo Alle Xukunkiisa kasoo haray .
12.waxaa ay jecelyihiin wax aysan samayn in lagu amaano waliba iyaga oo hagar daama Islaamka intaas kashaqaynaya.
13.Ma ay bartaan Cilmiga Sharigaa kamana soo qayb galaan goobaha Khayrka iyagoo khayr doon ah.
14.Aftahnimo ay mar walba ku difaacayaan Baadilka ayna doonayaan inay Xaqqa hoos ugu dhigaan.
Iyo kuwo kale oo fara badan …
Sikastaba ha ahaateen Shiikha ayaa si hufan oo aada loogu riyaaqay usoo ban dhigay muxaadaradiisa.
Intaa ka dib waxa loo gudbay qaybtii labaad ee darsiga oo ku saab sanayd ka jawaabid su,aalahay dad waynuhu culimada usoo gudbiyeen, waxaana su,aalihii caawa dad waynaha uga jawaabay Sheikh C/raxmaan maxamed dhowre( sh c/raxmaan bukhaari), iyo Sheikh Fu,aad maxamuud xaaji nuur.
Si kastaba ha ahaatee nadwada oo gashay habeenkeedii labaad ayaa waxa ay kusoo gaba gabowday caawa jawi degan.

Musasat Al-Minhaaj
Boosaaso
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online