Nadwo diini ah oo caawa si rasmi ah uga bilaabatay Masjidka Rowda ee Boosaso.[Masawiro]

April 14, 2014 - Written by Editor

IMG_2220Boosaaso:-Waxaa caawa si rasmi ah uga bilaawday Masjidka weyn ee Al-rowda ee Boosaaso Nadwo cilmiyeedkii diiniga ah ee 12aad oo ay culimadu sanad walba ku baraarujiyaan dadwaynaha waxyaabo badan ugna wacyi galiyaan waxyaabaha markaas taagan. Nadwadaani oo noqonaysaa Nadwadii 12aad ayaa waxaa ciwaankeedu uu noqonayaa أعمال القلوب waxaana wax ka soo jeedinaya qaar ka mid ah Culimada ugu waaweyn Puntland , iyadoo furitaanka Nadwada ay ka soo qayb qaleen masuuliyiinta Mu’assadda Almin haaj Culimo Cuqaal iyo weliba Wasiir ku xigeen Wasaarada awqaafta iyo Arimaha Diinta ee Puntland iyo Dadwayne aad u faraba badan.

Bilowgii Nadwada ayaa waxa lagu furfuray Aayadaha Qur’aanka kariimka ah oo uu Akhriyay Imaamka labaad ee Masjidka Al-Rawda Sulaymaan Cabdulaahi Muxamed. Intaasi kadib Gudoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj Ustaad Muxamed Maxamuud Ciise ayaa waxa uu ka warbixyay Nadwada iyo Ujeedkeeda waxaa uuna Bulshada ku baraarujiyay inay ka faaidaystaan Culimada isagoo intaasi ku daray in Culimadii Asalka u ahayd Nadwadaani qaar kamida ay Dunida ka safreen isagoo soo qaatay Sh.Dr.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan iyo Sheekh.C/qaadir Nuur Faarax oo uu sheegay inaysan ka maqnaanin jirin Nadwadaani.

Sh.Xasan Xuseen oo isagana Kalmad kasoo jeediyay Furitaanka Nadwada ayaa waxaa uu sheegay inay Farxad u tahay inuu Alle soo gaarsiiyay Nadwadaani waxaana uu Alle ka baryay in Nadwadaani uu Bulshada Soomaaliyeed ugu dhigo mid Qalbigooda dawaysa isagoo intaasi ku daray in Qofkii Qalbi fiyow uu Dadka wax gaarsiin karo, ama Quluubta uu kasban karo.

Shiikh Xassan Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu kusoo gabagabeeyay Duco uu dadwaynaha Alle ugu baryay in uu Quluubtooda Hagaajiyo.Dhanka kale Sh.Fu’aad Maxamuud Xaaji oo isaguna Furitaanka Nadwada goob joog ka ahaa Hadal koobanna kasoo jeediyay ayaa waxaa uu sheegay in Nadiifinta Qabligu ay ka horaysa wax walba oo diinta ku tacaluqa.

Sh Fu’aad Xaaji Nuur ayaa waxaa uu intaas ku daray in Qalbigu uu yahay midka Xukumaya Camalka ama waxyaabaha uu Adoonku Alle ugu dhawaanayo uuna leeyahay muhiimad aad uwayn maadaama Camalka aad qabanaysid hadii uu qalbigaagu wanaagsanaado uu wanaag sanaanayo, hadii uu xunayahay uu xumaanayo.

Beeldaaje Cali Faarax oo ka mid ah Issimada waaweyn ee Puntland ayaa isaguna dhankiisa uu soo dhaweeyay Nadwada, waxaana uu Bulshada ku booriyay inay ka faa’iidaystaan isaga oo intaasi ku daray in Qalbigu uu yahay Xubinka waanada qaata ama diida. Beeldaaje Cali ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Duco isagoo Alle ka baryay inuu Alle Quluubta inoo wanaajiyo.

Muxamed Faarax Aadam Wasiir ku xigeenka Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Puntland oo isaguna ka qayb qaatay Furitaanka Nadwada ayaa waxaa uu sheegay inay soo dhawaynayaan Nadwada, ayna ka shaqaynayaan Wasaarad ahaan wax walba oo aqoonta diimeed ee bulshada lagu hormarinayo, iyaguna dowlad ahaan ay ka mid yihiin cida u baahan.

Furitaanka Nadwada kadib ayaa Sh.C/raxmaan Muxamed Dhawre (Sh.C/raxmaan Bukhaari) oo Casharka koowaad kasoo jeediayay Nadwada waxaa uu si qoto dheer ugu hadlay Geerida iyo dhibaatada qabriga.Sh.C/raxmaan ayaa waxaa uu soo qaatay aayadaha iyo Axaadiithka cadaynaya in qof walba oo noolaada uu ugu danbayn dhimanayo aduunyadana la joogayo wakhti kooban iyado oo marka Aakhiro latagana Dadku ay dhahayaan Maalin ama Maalin barked baan joognay. Shiikha ayaa waxaa uu ku dheeraaday ka sheekaynta Qabriga iyo dhibaatadiisa isagoo cadeeyay in Qabrigu uu yahay Guriga koowaad ee uu qofku ka dagayo Aakhiro islamar ahaantaana Dadka lagu imtixaanayo.

Shiikhu waxaa uu intaasi ku daray isagoo cuskanaya Axaadiith iyo Aayado Qur’aan ah in Qabriga Imtixaankiisa hadii uu Qofku ku guulaysto waxa kasii danbeeyana  ay uga sii fududaan doonaan, hadii uu ku guul daraystana waxa ka danbeeya ay kasii darnaan doonaan. Shiikh Cabdiraxmaan Bukhaari waxaa dhanka kale uu soo qaatay hadalo kalo duwan oo laga soo wariyay qaar ka mid ah Taabiciinta iyo salafkii oo la xiriirta geerida iyo Qabriga.

no images were found

Sidoo kale shiikhu wuxuu tilmaamay oo tusaalayal fara bada ka bixiyay wax yaabaha keena in qofka qabriga lagu cadaabo, iyo wax yaabaha looga badbaado. Gabagabdii hadalkiisa ayuu shiikhu aad ugu dheeraaday ku boorinta dadway nihii kala duwanaa ee dhagaysanayay inay aakhiro u shaqaystaan.

Mu’asasada Al-Minhaaj
Boosaso, Somalia

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online