Nadwo diini ah oo loo qabtay gabdhaha Soomaaliyeed ee Khartum.[Masawiro]

April 19, 2014 - Written by Editor

DSC03742Sudan:-Waxaa galbanimadii Jimcaha ee ku beegnayd 18/4/2014-18/6/1435 ka dhacday Nadwo diini ah oo balaaran hoolka xarunta dacwada ee jaamacada Afrika ee magaalada Khartuum ee wadanka Sudaan, nadwadaas oo ay soo qaban qaabisay Raabidada(iskuxirka) ardayda soomaaliyeed ee Sudan.

Nadwadaas oo loo qabtay guud ahaan haweenka soomaaliyeed ee ku nool wadankaas, ha ahaadeen ardayda wax ka barata ama jaaliyada ku nool, ayaa waxaa lagu qaadaa dhigay kaalinta ay haweenka ducaada ah ku leeyihiin toosinta iyo horumarka umadda.

Bilowgii Nadwada waxaa hadal kooban ka jeediyey gudoomiyaha ururkaas Sheekh Xassan Muuse Nuux oo ku nuux nuux saday muhimada ay lee yihiin kulamada noocan oo kale ah, sidoo kale wuxuu uga mahad celiyey gabdhaha Soomaaliyeed sidda quruxda badan oo ay u soo xaadireen Nadawada.

Muxaadaradii koowaad ayaa waxaa soo jeediyey Sh. Axmed Maxamed Faarax (Dheeli) oo ku dheeraaday kaalinta haweenka khayrka umada faraa  ku leeyihiin toosinta umada, wuxuuna gaar ahaan farta ku fiiqay dhinacyada dacwada, tacliinta iyo qoyska. Halka uu hoosta ka xariiqay inay jiraan dhinacyo badan oo raba inay baadiyeeyaan gabadhaha muslimiinta, sidda awgeed loo baahan yahay haween u istaaga ka hortaga qolyahaas gaar ahaan gabdhaha wax bartay.

Muxaadaradii labaad waxaa qaatay Sh.Bashiir Axmed Salaad  gudoomiyaha hay,ada culumada Soomaaliyeed oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho oo soo jeediyey talooyin wax ku ool ah oo mawduuca la xiriira , asagoo nadwada uga qayb galay khadka taleefoonka.

no images were found

Waxay nadwadu kusoo gabagabowday muxaadaradii sadexaad oo uu soo jeediyey Sheekh. Mukhtaar Macalin Cilmi oo si qoto dheer u faahfaahiyey ahmiyada mawduucaan. Ugu danbayn haweenkii soomaaliyeed oo ka qayb galay Nadwada ayaa muuji yey siday ugu qanceen Nadwada, ayagoo ururka ka codsay in loo badiyo kulamada noocaan oo kale ah.

Halgan.net
Khartum,Sudan

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online