Dhibaatoyinka Carabka Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf [Masawiro+Cod]

April 18, 2014 - Written by Editor

IMG_2541Boosaaso:-Waxaa caawa galay habeenkii 4aad Nadwo diini ah oo ka socotay masjidka Rowda ee magaalada Boosaso iyadoo caawa muxaadarada uu jeediyey Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf isagoo ka hadlay Dhibaatooyinka Carabka. Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo darsiga guda galay ayaa ugu horayn cadeeyay Muhiimada Carabku leeyahay waxaana uu sheegay Shiikhu in sida Xadiithka ku sugnaatay marka Qofka Binu Aadamka ah uu waabaraysto Dhamaan Xubnaha jirku ay u hoganayaan Carabka iyaga oo ku oranaya war ilaahay nooga baq maxaa yeelay inagu adiga uu baan kugu gawracan nahay haddii aad toosnaatid waan toosnaanaynaa, haddii aad qaloocatidna waan qaloocanaynaa.

Dhanka kale shiikhu waxa uu sheegay in carabku Qofka u u soo jiidi karo wanaag wayn ama Xumaan wayn waliba hal weedh oo uu ku hadlo kaliya. Abuu hurayra Alle haka raali noqdee waxaa uu Nabiga ka wariyay :“Adoonku waxaa uu ku hadlayaa kalmad alle raali galinaysa oo uusan ka fiirsanayn Allana waxaa uu kor ugu qaadaya Darajooyin , sidoo kale Adoonku waxaa uu ku hadlayaa weedh Alle caragalinaysa oo uusan ka fiirsan waxaana uu ugu hoobanayaa Jahamo”.

Intaa ka dib shiikhu waxa uu aad ugu dheeraaday qaar ka mid ah dhibaatooyinka carabka sida:-

1-Xanta: oo ah Walaalkaa wax uu nacayo inaad ku sheegtid Allana kor ahaaye wuxuu yiri : “Qaarkiin qaarka kale yaysan xamanin qofkiin ma jecelyahay in uu cuno Hilibka Walaalkiisa oo bakhti ah…”

2- Beenta: oo ka mid ah waxyaabaha ugu waawayn ee Naarta lagu mutaysto , isgoona shiikhu uu sheegay inaysan sina u banaanayn , marka laga qaybaha ay culimada ka reebaan.

3-Hadal Xumada: oo qaybo fara badan leh ayna soo hoos galayaan ku jees jeeska Dadka , waxa Baadilka ah oo lagu hadlo , ilaahay wax kasoo haray oo lagu dhaarto iyo kuwo kale oo fara badan oo ay kamid yihiin Shirkiga iyo Qofku wax uusan aqoon in uu iska sheego ama fatwoodo.

4-Cayda ama Naclada: oo ah shay aad u qurmuun, ilaahayna uusan jeclayn, waxaana nabiga ka sugnaatay in uu yiri : “Dadka caytama maalinta Qiyaame shufaco iyo markhaatiyaal midna ma noqdaan. Sikastaba ha ahaatee Nadwada ayaa casharka ka dib waxaa Culimada lawaydiiyay qaar kamid ah Su’aalihii Dadwayanaha waxaana Su’aalaha caawa ka jawaabayay :-

Hoos ka Dhagayso Muxaadaradadii dhibaatooynka Carabka ee uu jeediyey Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/cd0tbsiijm/4-Dhibaatoyinka.MP3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

no images were found

1. Sh.Daahir Aw Cabdi

2. Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf.

3. Sh.C/raxmaan Bukhaari.

Mussasadu Minhaaj
Halgan.net, Boosaaso

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online