Qaraxyada Islii ka dhacaya yaa ka faa’iidaya? su’aal furan

April 24, 2014 - Written by Editor

qaraxNairobi:-Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, ayaa waxaa dhawaanahan ka taagnaa xaalad aad u cakiran, taasoo timid markii qaraxyo dhacay dartood ciidan badan lagu soo daayay, kuwaasoo sida dowladdu sheegtay loo keenay si ay amaanka u sugaan.

Ciidamada oo howlgallo xiriir ah ka waday xaafadda Islii muddo labaatan cisho gaareysa, ayaa qabqabtay boqolaal Soomaali ah, kuwaasoo qaarkood loo celiyay Soomaaliya, kuwona la geeyay xeryaha qoxootiga, halka qaar kalena weli la hayo, iyadoo howlgalladuna weli soconayaan.

Intii howlgalladu socdeen waxaa dhacay xadgudubyo badan oo loo geystay dadka Soomaalida ah, sida ay sheegeen hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha, warbixin dheer oo afka ingiriiska ku qoran oo Aljaazeera ka diyaarisayna dhibaatooyin badan baa lagu xusay oo aad u xanuun badan.

Waatan baaritaanka Aljazeera ee howlgallada xaafadda Islii

Dhaqaalaha Soomaalida waxaa soo gaaray dhaawac weyn, iyadoo ganacsigii uu aad hoos ugu dhacay, waxaana intaas dheer lacagaha joogtada ah ee aadka u badan ee ciidanku ka qaadanayaan dadka ama xoog ha uga qaataan ama cabsi ha u bixiyaan dadka Soomaaliyeede.

Waxaas oo dhib ah waxay Soomaalida u soo gaareen qaraxyo dadka ku dhintay ay shacab yihiin, kuwaasoo aan waxba galabsan, qaarkoodna waxayba ahaayeen Soomaali.

Cid walba oo Soomaalida ugu ciil cunsan horumarka dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeed ee ay ku talaabsanayaanba waxay heshay fursad ay uga faa’iideysato, iyadoo qaraxyada dhacaya ay ku dhibaatoonayaan Soomaalida, howlgallada ku xiga ee ciidanku sameynayaanna ay isla iyagu dhibka ugu badan kala kulmayaan.

Qaraxyada, ayaa cid sheegatayna aaney jirin, isla markaasna ah wax aad u dhibaya shacabka Soomaaliyeed, ee ay la daristay dhibaatooyinka ka dhashay burburkii ku yimid Soomaaliya, dowladnimadeeda iyo dalkeedaba.

Hadaba su’aalahan ayaa u baahan in jawaab loo helo. kuwaasoo kala ah:-

1-Waayo cidda qaraxyadan geysaneysa

2-Yaas ka faa’iidaya qaraxyada

Cid kasta oo ka dambeysa qaraxyadanna, waxaa la hubaa in dhibka ugu badan uu ka soo gaarayo Soomaalida, kan qaraxa oo ay kuna dhintaan kuna dhaawacmaan iyo kan ka dhasha howlgallada ciidanka oo dad aan waxba galabsan loo dhibaateeyaba.

Ugu dambeyntii: kala daadsanaanta Soomaalida ayaa sababta ugu weyn ee dhibku usoo gaarayo lagu macneyn karaa, iyadoo danta guud iyo ammaanka halka ay ku nool yihiinna aaney xil iska saarin, marka xoogaa xaalku qaboobana iskaba ilooba wixii soo maray.

Halgan.net/Somalireal
Nairobi

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online