R.W. oo dardaaran u jeediyay ciidamo tababar ku qaadanaya magaalada Kismaayo (Masawiro)

April 16, 2014 - Written by Editor

IMG_8743Kismaayo:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta ku booqday xero tababar uga soconayay ciidamo ka tirsan maamulka Jubba, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu u jeediyay dardaaran.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa booqashadiisan ku wehliyay xubno ka tirsan golaha Wasiirada iyo golaha Baarlamaanka, Safiiro iyo Saraakiil ka socotay AMISOM iyo maamulka Jubba, waxaana ciidankan loo tababarayaa sidii ay uga mid noqon lahaayeen ciidamada kala duwan ee maamulka Jubba, waxaana halkaasi ku tababaro ku siiyo saraakiil isugu jira Soomaali iyo AMISOM.

Ugu horeyn Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi warbixino ku siiyay saraakiil ka tirsan maamulka Jubba, waxayna tilmaameen in ciidankani ay in muddo ah qaadanayaan tababaro kala duwan ayna diyar u yihiin inay ka qeyb qaataan difaaca iyo xoreynta dalka, waxayna tilmaameen in qaarkood ay horay u soo mareen tababaro dalalka deriska ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay ciidankan inay noqdaan ciidamo ka shaqeeya danaha shacabka, isla markaana illaaliya xaquuqda Bani’daamka “Waa inaad illaalisaan Nafta, Sharafka, iyo Hantida ummadda, kana difaacdaan dalka caddowga, uuna uug horeeyo caddowga al shabaab” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ciidamadan u balan qaaday in dawladda Federaalka Soomaaliyeed ay u diyaarin doonto agabkii ay ku howlgeli lahaayeen isla markaana ay haatan wadaan qorshe ku aadan sidii ciidamadan loogu kala saari lahaa qeybaha kala duwan ee ciidanka Qalabka sida, taasina ay kala hadli doonaan saraakiisha ciidanka.

“Waxaanu dooneynaa inaanu idiin kala saarno qeybaha kala duwan ee ciidanka sida Xogga dalka, Boliis, Asluub iyo Nabadsugid” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad dheer u jeediyay ciidankan loo tababarayo maamulka Jubba.

no images were found

“Ciidanka Soomaaliyeed gobol kasta oo uu joogo waa isku hal hadaf, waana inay dalka ka xoreeyaan caddowga, ayna difaacaan Qaranimada iyo xaduududaha dalka Soomaaliya, waxaana la idinka doonayaa in aadnaan ka leexan hadafkaas” ayuu yiri ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaaruhu.

Garad Salad Hersi
Senior Press officer, PM office
Kismayo, Somalia

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online