Ra’iisal wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo imaan doona Puntland

April 14, 2014 - Written by Editor

cabdiweliGaalkacyo:-Warar ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Ra’iisal wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr.Cabdiweli Shiikh Axmed uu safar ku soo gaari doono magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.Ra’iisal wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr.C/weli Sh.Axmed ayaa la filayaa in magaalada Gaalakcyo uu kulan kula qaadan doono Madaxweynaha Puntland Dr Cabdi weli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Gaalakacyo.

Ra’iisal wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. C/weli Sh.Axmed ayaa safarkiisa aan ilaa hadda aysan shaacin xafiiskiisa walow ilo wareedyo ku dhow xafiiska Ra’iisul wasaaraha ay safarka Ra’iisul wasaaaraha ay u sheegeen warbaahinta. Safarka Ra’iisal wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. C/weli Shiikh Axmed ayaa ku soo beegmaya xili ay madaxda dowladda Puntland ay shaaciyeen in ay diyaar u yihiin in wixii ka dhexeeya ee ay isku khilaafsan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka geli doonaa wada hadal.

Golaha xukuumada ee Puntland ayaa dhawaan  waxaa ay magacaabeen gudi gaar ah oo wada hadalo kala gala wixii khilaaf ah oo u dhexeeya dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland ayaan in mudo ah fiicnay iyadoo xiriirkaas uu xumaada xiligii Puntland uu madaxweyne ka ahaa Dr. C/raxmaan Faroole wlaow xiriirka markii uu xilka ka degayna aysan waxba iska bedelin inkastoo ay socdeen wada hadalo hoose.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online