Ra’iisul Wasaare DFS oo maanta dhagax dhigay dugsiga tababarka duulimaadyada (Masawiro)

April 23, 2014 - Written by Editor

airporka 6Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheikh Axmed Maxamed, oo ay weheliyaan Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka, Wasiirka Maaliyadda, Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka, Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Wakiilka Hay’adda Tika iyo Maareeyaha Guud ee Garoonka Aaden Cadde, ayaa maanta dhagax dhigay Dugsiga Tababarka Duulimaadka oo laga dhisayo gudaha Garoonka Caalamiga ah ee Aaden Cadde.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale booqasho ku soo maray goobta laga dhisayo terminalka cusub ee uu yeelanayo Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cadde, kaas oo ah mashruuc ay maal galinayso shirkadda Favori oo gacanta ku haysa garoonka.

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Mudane Saciid Qorsheel ayaa ugu horrayntii ka war bixiyey ahmiyadda uu dhismaha terminalka cusub, oo noqonaya mid casri ah, u leeyahay shacabka Soomaaliyeed.

“Terminaalkan cusub wuxuu meesha ka saarayaa isku dhex yaaca ka jira garoonka qaybihiisa kala duwan, wuxuuna dadajinayaa habsami u socodka howlaha garoonka. Sida ay noo sheegtay shirkadda dhisaysa terminaalka, dhismuhu waxaa uu qaadanayaa muddo lix bilood ah,” ayuu yiri Wasiir Qorsheel, oo dhanka kale xusay in mustaqbalka dhow ay qorshaha ugu jirto in la sameeyo garoomo laga hirgalinayo daafaha magaalada si culayska looga qaado garoonka Aaden Cadde, oo noqon doona mid ay ku soo degaan diyaaradaha waaweyn.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu uga mahadcelinayo dowladda Turkiga dadaalka aan kala go’a lahayn ee ay ku bixinayso dib-u-dhiska dalka, iyadoo mashruucaan cusub uu qayb ka yahay tayeeynta hay’adaha dowladda.

“Dugsiga Tababarka Duulimaadka waa machad sare u qaadaya xirfadda shaqaalaha ka howl-gala garoomada Soomaaliya, waxaana looga maarmayaa in tababarro lagu soo qaato dalka dibaddiisa. Waxaan mahad balaaran u soo jeedinayaa dowladda Turkiga oo taageero hagar la’aan ah la garab taagan shacabka Soomaaliyeed, qayb weynna ka qaadanaysa dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali.

no images were found

Dowladda Turkiga ayaa muddooyinkan dambe ka wadday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho dib-u-dhis balaaran oo lagu hagaajinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo soo celinta bilicda magaalada, waxayna dayactir balaaran ku sameeyeen waddooyinka halbowlaha u ah isu-socodka gadiidka ee magaalada Muqdisho.

Communication Department

Office of the Prime Minister

Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online