Sheekh Maxamed Umal oo lagu soo dhaweeyey Marqaan Weyne [Masawiro]

April 14, 2014 - Written by Editor

6Buuhoodle:-Sh. Maxamed Cabdi Umal iyo wafdi culimo ah ayaa socdaal dacwadeed waxaa  ay ku soo gaareen Machadka Imaamu shaafic faraciisa Tuulada Marqaan ee ku taal xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya gaar ahaan magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn. Wafdiga culimada ee la socoda Sh.Umal ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey dhamaan degaanada ay soo mareen iyo weliba tuulada Marqaan waxaan  soo dhaweynta qayb ka ahaa culimada Gobolka Sool iyo Cayn oo uu hogaaminayey Sh.C/naasir Xaaji Axmed.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal  oo mudo bil ku dhow muxaadaraad iyo wacyi gelin ka waday gudaha degaanada Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa uu u soo talaabay dhinac tuulada Marqaan ee ku taal xadka waxaan uu sheekhu ka jeediyey Machadka Imaamu shaafic muxaadaro si weyn ay uga soo qayb galeen bulshada ku dhaqan tuulada Marqaan iyo deegaanada ku dhow dhow.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal  ayaa waxaa uu ka mid yahay culimada waaweyn ee dalka Soomaaliya ugu caansan waxaan uu Shiikh uu hadda ku nool yahay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya isagoo halkaas ka wada dacwo aad u balaadhan.

no images were found

Safarka Sh.Maxamed Cabdi Umal uu ku tegay Tuulada Marqaan ayaa waxaa ay qayb ka tahay wacyi gelinta iyo muxaadaraadka uu Sheekh Maxamed Cabdi Umal uu ka waday degaanada Soomaalida degto ee Soomaali galbeed  dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaahu wixii cusub oo ku saabsan .

Hoos ka Daawo Soo Dhaweynta Sheekh Maxamed Cabdi Umal Marqaan Weyne

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online