Shirkii 12aad ee golaha Shuurada Majliska Al-Bayaan oo Furmay (Masawiro)

April 20, 2014 - Written by Editor

dheereJohannesburg: Waxaa shalay oo ah maalin sabti ah bishana ay tahay 19/04/14, sagaalkii aroornimo ka furmay xarunta albayaan ee Johannesburg shirwaynihii shuurada albayaan, shirka shuurada oo sanadkii mar la qabto ayaa waxaa ka soo qaybgalo xubnaha ay soo dirsadaan gudiyada dacwada ee gobolada koofur afriko ee ay kuu nool yihiin jaaliyada soomalida.

axaa saakay shirka furay sheikh axmed dheere oo ah xoghaya guud ee majliska albayaan asagoo ku bilaabay soo dhawaynta xubnaha shuurada ee ka soo qayb galay shirka, asagoo tilmaamay in xubnaha qaar ay ka yimaadeen meelo fog fog oo wadanka ah, ka dibna waxa kalimad wacdi ah oo aad u qiimo badan soo jeediyay diktoor yuusuf maxamed xuseen oo ka mid ah trustiiga albayaan, intaa ka dib waxaa makarafoonka lagu wareejiyay amiirka guud ee albayaan sheikh xasan guure oo shirka gudoominaayay.

Waxaa uu sheekha ka warbixiyay waxqabadkii golaha fulinta ee sanadkii la soo dhaafay, asagoo uga waramay si faahfaahsan waxyaabihii u suurtagalay iyo waxii aan suurtagelin iyo sababihii ay u suurtageli waayeen.

intaa ka dib waxaa uu sheikha ku soo dhaweeyay warbixinta golaha fulinta qaybteeda xisaabaadka oo uu sheikh axmed dheere si faahfaahsan uga waramay, intaa waxii ka danbeeyay waxaa bilaabatay warbixinadii mas,uuliyiinta dacwada ee gobolada, waxaana warbixino laga dhagaystay masuuliyiinta dacwada ee gobolada eastern cape, western cape, north west, Gauteng, Limpopo, waxaana warbixintaa soo jeediyay, sheikh shaakir, sheikh maxamuud adar, sheikh maxamuud cismaan, sheikh maxamed aadan abdile, sheikh shariif abuukar afeey,

Intaa ka dib waxaa la guda galay ajandayaashii hor yaalay shirka, ajandayaashaas oo ahaa ajandayaal ka tarjumaayo horumarinta dacwada jaaliyada soomalida iyo horumarinta tacliinta, ayadoo sidoo kale ajandayaasha ay ku jireen dacwada muslimiinta cusub ee wadankan u dhashay iyo soo islaaminta dad cusub oo ah dadka wadankan u dhashay, waxaa uu shirkii maanta uu soo gabagaboobay 5ta iyo barkii galabnimo, ayadaoo berina uu geli doona shirka maalintiisii labaad lana balansanyahay 08da aroornimo hadii uu allah yiraahdo, ayadoo shirka la soo gabagabayn doonoo maalinta beri hadii uu allah yiraahdo

no images were found

Sanad kaste waxaa qabsooma shirka shuurada albayaan waxaana uu ahaa shirkii maanta furmay shirkii laba iyo tobnaad ee shuurada albayaan , shirkaas oo lagu falanqeeyo wax qabadka golaha dacwada ee albayaan iyo qorshaha sanadka soo socda, majliska albayaan waa gole ka dhisan dalkan koofur afriko oo ka shaqeeyo arimaha dacwada, tacliimta, aaska dadka dhinta ee soomaalida, iyo samafalka, waxaana hoos imaado maraakiz badan oo ay dhisteen jaaliyada soomaalida ee dalkan koofur afriko.

MAJLISKA ALBAYAAN

 

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online