Xubnaha cusub ee Golaha deegaanka Gaalkacyo oo la magacaabay lana dhaariyey (Masawiro)

April 16, 2014 - Written by Editor

19Gaalkacyo:-Magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug ee Dawladda Puntland waxaa galabta lagu dhaariyey xildhibaanada cusub ee Golaha Deegaanka ee degmadaasi oo ka kooban 27-xildhibaan. Madasha lagu dhaariyay xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Magaalada Gaalkacayo waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo qaar ka mid ah golayaasha Dawladda Puntland.

Xubnaha Golaha Deegaanka Gaalkacayo waxaa dhaarta ka maqnaa laba xubnood oo kaliya, halka ay fadhiyeen 25-ka xubnood, waxayna si dhamaystiran ugu dhaarteen inay gudanayaan wajibaadka la saaray dadka iyo dalkana si daacad ah ugu shaqayn doonaan.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas oo xildhibaanada la hadlay dhaarta ka hor ayaa u sheegay inay ogaadaan cida ay u dhaaranayaan inay tahay dadka iyo dalka loona baahan yahay inay ka run sheegaan waxyaalaha ay ku dhaarteen oo ay ugu muhiimsan tahay in dadka iyo dalka loogu shaqeeyo si daacadnimo ku dhisantahay.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan “Karaash” oo ka mid ah masuuliyiin dhowr ah oo si gaar ah loogu xil saaray dhismaha golaha deegaanka magaalada Gaalkacayo ayaa xildhibaanada ku adkeeyey inay dedaal dheeraad ah ku bixiyaan waxqabad muuqdana ay shacabka Gaalkacayo u sameeyaan, maadaama aysan magaaladu helin wax maamul hoosaad ah sanidihii la soo dhaafay.

Xildhibaanada golaha deegaanka magaalada Gaalkacayo ayaa si ku meel gaar ah gudoomiye ugu doortay xildhibaanka ugu da’da weyn kaasi oo lagu magcaabo Cabdi Cismaan Faarax “Ciiro” oo hore u ahaa ku xigeenka duqa degmada Gaalkacayo, iyagoo sidoo kale xoghaye ku meel gaar ah u doortay gabadh magaceeda lagu koobay Nasteexo Jaamac Max’ud, waxaana xildhibaanadu maalinta Jimcaha si rasmi ah usoo dooran doonaan duqa degmada Gaalkacayo iyo ku xigeenkiisa, kuwaasi oo masuuliyadda golaha deegaanka sii hayn doonaa sanadaha soo socda.

Magaalada Gaalkacayao ee Xaruta Gobolka Mudug ayaa sanado badan ka dib si rasmi ah u heshay gole deegaan oo ka shaqeyn doona horumarinta magaalada, kuwaasi oo lagu soo xulay shuruudo adag si loo helo gole deegaan oo lagu hallayn karo shaqada ay shacabka u qaban doonaan.

Arrintan ayaa sidoo kale qayb ka ah tallaabooyinka dhinaca horumarka loo qaadayo ee ay ku howlan tahay xukuumadda cusub ee ay hogaaminayo Madaxweyne Dr. Cabdi-weli.

no images were found

Waxaana sidoo kale muuqanaysa in Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas uu si deg deg ah u fuliyey ballan qaadkii uu sameeyey waqtigii uu dhowaan soo gaaray gobolka mudug, balanqaadkaasi oo ahaa in uusan magaalada Gaalkacayo ka tagi doonin ilaa uu si rasmi ah u dhiso golaha deegaanka Magaalada Gaalkacayo.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta,Wacyi-gelinta Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online