Khudbadii Jimce ee Masjidka Al-Rowda ee Boosaaso Sh.Daahir Aw Cabdi.[Dhagayso]

May 6, 2014 - Written by Editor

Sh_Daahir1Boosaaso:-Sheekh.Daahir Aw Cabdi oo ka mid ah Culimada waaweyn ee dalka Soomaaliya aadna loogu xasuusto Masjidkii Ceel hindi ee magaalada Muqdisho ayaa mar kale maanta waxaa uu ka jeediyey khudbadii Jimce Masjidka Rowda ee magaalada Boosaaso isagoo Sheekhu uu ka hadlay sidda ay xishood darada u faaftay iyadoo heshay goobo lagu soo bandhigo ayna ugu horayso warbaahinta sidda Tv-da iyo warbaahinta kale.

Sh.Daahir Aw Cabdi ayaa xusay in watigaan ay ay xishood daradu ay noqotay wax caadi loo qaato taas oo sababtay in Zinadu ay iska faafto lana waayo wax ciqaabad dadka ku howlan wax shareecadu ay reebtay ayna ugu horayso waxyaabah xunxun. Sh.Daahir Aw Cabdi ayaa dadweynihii Khubadda dhagaysanayey waxaa uu dareensiiyey qaabka ay shareecadda Islaamku ugu hortagtay wax walba oo fududueyn kara in ay faafto xumaantay ay ugu horayso Zinada qofkii arrimaas ku dhacna ay shareecadu ay marsiinayso wax uu muteystay.

Sh.Daahir Aw Cabdi ayaa waxaa uu sheegay in haddii ay Zinada , iyo Ribaddu ay faafto oo deg degto ciqaabka Alle sidaas darteedna loo baahan yahay in alle loo laabto oo danbiyada waaweyn laga fogaado. Sheekh.Daahir Aw-Cabdi ayaa uga digay dadweynaha in ay ka foojignaadaan dagaalka ay hay’adduhu ku wadaan shacabka Soomaaliyeed oo ay ugu horayso in ay faafiyaan Zinada iyagoo  qaybinaya walxaha sahla Zinada sidaas darteenda uu Sheekhu si adag uga digay in lagu kadsoomo kuna baaqay in dadku ay foojignaadaan.

Hoos ka Dhageyso Khudbadii Jimcaha ee Masjidka Al-Rowada Sh. Daahir Aw Cabdi

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/u12v0k7vvo/Khudbada_Jimcaha_Sh.Daahir_Awcabdi1.MP3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

 

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online