Abu Maxamed Al-Maqdasi oo xaqiijiyey Bayaankii uu ka soo saaray Khawaarijta Daacish (Dhageyso)

June 6, 2014 - Written by Editor

Abu-MaxamedJordan:-Abu Maxamed Al-Maqdasi ayaa waxaa uu xaqiijiyey bayaan uu ka soo saaray kooxda khawaarijta ee Daacish waxaana mareegaha Islaamiyiinta lagu faafiyey fariin maqal ah oo looga duubay Tel isaga oo ku jira xabsi ku yaal dalka Urdun.Abu Maxamed Al-Maqdasi ayaa fariintiisa ku sheegay in ay wax badan la taliyeen kooxda Khawaarijta ee Daacish balse ay diideen dhamaan talooyinkii ay soo jeediyeen wadaada taageersan Al-Qaacida oo ay haatan ka daba timid gaaleysiintii iyo isku qarxinta Muslimiinta oo ay in badan fatwoonayeen.

Abu Maxamed Al-Maqdasi ayaa waxaa uu ka cabanayaa xadgudbka kooxda Daacish iyo been abuur ay dhaqan ka dhigteen kooxaha ku saamoobay Afkaarka Khawaarijta oo ay ugu horeysao kooxda Daacish. Wadaadkan ayaa sheegay in bayaanka uu ka soo dhex qoray xabsi ku yaal dalka Urdun uu isaga qoray iyada oo aan waxba lagu qasab wuxuuna cadeeyey in ay ka digayaan kooxda Daacish.

Bayaanka uu horey uga soo saaray Abu Maxamed Al-Maqdasi kooxda Daacish ayaa waxaa uu cinwaan uga dhigay ((بيان حال ” الدولة الإسلامية في العراق والشام ” والموقف الواجب تجاهها ) Bayaanka Abu Maxamed Al-Maqdasi wuxuu ku sheegay in uu xiriiro kala duwan uu la sameeyey dhamaan kooxaha Islaamiyiinta waxaana lagu xusay in koox walba uu xiriir la sameeyey Lijaantooda Sharciga si bal la iskugu soo dhaweeyo aragtida kala duwan ee kooxaha Jihaadka ka wada dalka Suuriya.waxaana arinkaas diiday kooxda Daacish .Halkan ka Akhriso Bayaankii Abu Maxamed Al-Maqdasi

Fariinta codka ah ee uu leeyahay Abu Maxamed Al-Maqdasi ayaa waxaa ay ku soo aadaysaa ka dib markii kooxda Daacish ay ku faafiyeen internetka in Abu Maxamed Al-Maqdasi uu yahay qof xiran wadaad xirana aan fatwo laga qaadan karin waxaana xusid mudan in Abu Maxamed Al-Maqdasi uu manhajkaas isagu aaminsanaa balse isagii maanta dhakada laga saaray .

Hoos ka Dhageyso Abu Maxamed Al-Maqdasi oo xaqiijiyey Bayaan uu ka soo saaray kooxda Daacish

W/Q C/Casiis Maxmed
abdiasis1970@gmail.com
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online