Abu Safiyyah Al- Yamani iyo Xabsiyada Khawaarijta Daacish (Akhriso)

June 4, 2014 - Written by Editor

Abu-SafiyyahDenmark:-Waxaa lagu faafiyey Mareegaha taageera kooxaha Islaamiyiinta gaar ah Jabahada Al-Nusra oo ka tirsan Ururka Al-Qacaaida qormo uu qoray Mid ka mid ah Dhibanayaasha kooxda Khawaarijta ee Daacish waxaana magaciisa la yiraahdaa Abu Safiya Al-Yemani wuxuuna aad uga hadlay dhibaatada ka jirta xabsiyada kooxda Daacish iyo kooxaha Amniyaadka ee kooxdaasa sida ay u ciqaabaan Muslimiinta dalka Suuriya iyo gaar ahaan kooxaha Jihaadka ka wada dalka Suuriya.

Abu Safiyyah Al- Yamani ayaa waxaa uu in mudaha deganaa Denmark gaar ahaan magaalada Arhus waxaa uuna risaaladan uu qoray uu si faahfaahsan uga sheekeeyey madaxda kooxaha amniyaadka ee Ururka Daacish iyo sida ay xabsiyada ugu ciqaabaan dadka waxaana uu ka mid ahaa Abu Safiyyah Al- Yamani maxaabiista la mariyey ciqaab kala duwan .

Abu Safiyyah Al- Yemani ayaa waxaa uu ku xirnaa xabsiga dhigay kooxda (Daacish) mudo dhan 70 Maalmood waxaana uu ka sheekeeyey Masaa,ib uu ku arkay xabsiga kooxada Daacish .Risaalada uu qoray Abu Safiyyah Al- Yamani ayaa waxaa ay ka tarjumeysaa dhaqanka kooxha Khawaarijta ah iyo sida ay mar walba u hagal daaciyaan Muslimiinta.

Abu Safiyyah Al- Yamani ayaa waxaa uu risaaladiisa cinwaan uga dhigay (الإنفجار في كشف وفضح الأسرار | من هم الأمنيون في تنظيم دولة الإسلام في العراق والشام )waxaana uu sheegay wadaadkan magacyada raga madaxda u ah Amniyaadka kooxda Daacish iyo sida ay u kala sareeyaan iyo mid walba wax uu qaabilsan yahay.

Risaalada uu qoray Abu Safiyyah Al- Yamani ayaa waxay marqaati cad u tahay in kooxda Daacish ay xalaashadeen dhiiga muslimiinta ayna dhabar jabin ku hayaan kooxaha Islaamiyiinta ee dalka Suuriya.Waxaana taas daliil u ah labada gobal oo ay ka talinayeen kooxaha kacdoonka suuriya ee laga saaray ciidanka dowlada Suuriya sida Al-Riqa iyo Dayruzur ayaa waxay ka wadaan dagaalo iyo dilal ay u geysanayaan Saraakiisha kooxaha Islaamiyiinta ee Shaam. Abu Safiyyah Al- Yamani ayaa waxaa uu sheegay in kooxda daacish ay cidii ka hortimaada ay u disho dilka Maslaxada wuxuuna yiri.

:هذا التنظيم لهُ من الخفايا ما لا يعلمها إلا الله، فمن أسرار هذا التنظيم ما يسمونهم بالأمنيين<بينهم أو ما نسميه (أمن الدولة أو المخابرات السرية للدولة) وعمل القوم هو الإستخبار عما يقوم به الناس من الدولة أو من خارجها، والقيام بعمليات الإختطاف للمطلوبين لهم وأخذهم لأماكن لا يعلمها إلا هم، والتصفية الجسدية لمن لا يرون له مصلحة عندهم أو يمكن أن يشكل خطراً على التنظيم أو أفراده (وهذا ما يسمونه بقتل المصلحة) وقد قتل إخوة منهم طالب علم ليبي رحمه الله لا أذكر اسمه ، وقد سمعت الأخوة يتحدثون عن اختفائه بعد ذهابه إلى أبي الأثير أمير حلب،

Abu Safiyyah Al- Yamani ayaa sidoo kale wuxuu si gaar ah uga sheekeeyey inta uu xabsiga ku jiray ciqaabtii la mariyey iyo wareysigii laga qaaday wuxuuna sheegay in intii uu xabsiga ku jiray ay qolada Daacish ay faafiyeen in uu Abu Safiyyah Al- Yamani uu dagaal ku shahiiday balse markii uu ka baxsaday xabsiga ee uu gaaray dalka Turkiya lana hadlay Tv Al-Jazeera ay ku tumeen in uu yahay Jaajuus u shaqeynaya gaalada wuxuuna yiri.

والعجب العجاب حينما قمنا بالحديث في قناة الجزيرة الإعلامية وبينّا حقيقة ما حدث و يحدث في هذه السجون – وهذا بعد مقتل خمسين شخص في نفس السجن الذي كنا فيه – قام محبو الدولة ومناصروهم بإتهامي بالجاسوسية والعمالة والردة الظاهر، وهنا سؤال بسيط أضعه :

لماذا حينما كنا مخفيين في سجونهم و أُخرج بيان يُظهر أننا قتلنا في معركة وأننا استشهدنا لم يستنكر أحد منهم مقتلي بتلك الصورة؟! بل تباهى القوم بنا وبمقتلنا، وحينما ظهرنا وبينّا الحقائق الغائبة التي لا يعلمها حتى شباب الدولة أصبحنا عملاء لأعداء الله؟!!

في حين أن الإخوة في مدينة معرة مصرين ممن ينتمون لدولة الإسلام في العراق والشام يعلمون من أخذني واعتقلني ومن افترى علي، ولم ينكروا ولم يبينوا حقيقة الصورة التي رسمت لنا في النت، بل تركوا الأمر على حاله؛ وكأن القوم يدبرون أمراً بليل – نسأل الله السلامة

Mar uu si gaar ah uga waramayey dhibka loo geystay inta uu ku xirnaa xabsiga iyo wixii uu ku arkay wuxuu yiri.

لماذا أخذت واعتقلت ، ولكن الحمد لله على كل حال، فالخوف أشد على الرجال إذا وقع في القلوب من وقع السيوف على الرقاب

فعجباً للكيل بمكيالين والنظر إلى الحق بعين واحدة دون العينين، ولكنّا نقول أن الحق أبلج لا يخفى إلا على ذي عمى، فأحمد المولى على العافية والسلامة.

فمن خلال التعذيب والشبهة يؤخذ الناس فيعذبون وتسلخ جلودهم في هذه السجون، يؤخذ الأب بجريرة ولده والعكس كذلك ، والأخ بجريرة أخيه ، وأُشهد الله على ذلك ، ولقد رأيت أناساً ذاقوا أصناف العذاب، حتى أن هناك شاب يدعون أن له أخاً شبيحاً وهو يشهد الله أنه أكبر إخوانه ويطالبهم بإرسال من يأتيهم بالبطاقة العائلية ويرفضون تصديقه ويُذيقونه أصناف العذب، بل أظنهم قد قتلوه مع من قتل.

بل كان من الناس من وُضع في المعتقل لأربعة أشهر بلا سبب ولا تهمة ولا حتى تحقيق ؛ وهم أخونا علي معروف الحلبي وأخونا هيثم السيد علي من اعزاز، فتهمة أخونا هيثم أن ابن جده قائد جماعة لواء عاصفة الشمال، مع أنه تبرأ في مقر الدولة في اعزاز من ابن عمه ومن ينتمي للجيش الحر ومع هذا أُخذ الشاب واُعتقل وعُذب ووُضع النعال في فمه حينما قال: اللهُ أكبر، إلى غير ذلك من أنواع العذاب الذي ذاقه، فهل هناك من يعُوضه أو ينصفه مما أصابه من القوم؟!!

اللهم إنا نبرا إليك من هذا الحال وهذا العمل وما يقوم به القوم من ظلم للعباد.

Abu Safiyyah Al- Yamani ayaa waxaa kale oo uu ka waramay in kooxaha amniyaadka ee Daacish aysan wax dagaala la galin ciidamada Bashaar Asad balse ay ku sugan yihiin magaalooyinka si ay uga takhalusaan cid walba oo Daacish ka soo horjeeda iyaga oo u arkaya in ay gaalo yihiin.wuxuuna yiri.

الأمنيين لا يشاركون في القتال ضد بشار وجنده، واختصاصهم فقط المدن ومن يعتقدون وجوب التخلص منه من الناحية الأمنية – كما يقولون ــ وهم جماعة لا يعرفهم أحد من الجند  لمقاتلين والمشاركين في الساحات، فشغلهم هو في التصفيات الجسدية للمخالفين، وأخذ كل من يرون أنه قد يكون حجر عثرة في طريق الدولة، فهم

يرون كل مخالف للدولة كافر، وإن كان صاحب عقيدة ويخالف الدولة فيكون قتلهُ للمصلحة كما قالوا لي، فهذا قول بعض الأمنيين.  فنسأل الله السلامة من هذا الحال وهذه الطريقة في التكفير والتعامل.

Halkan ka Akhriso Risaalada uu ka qoray xabsiyada Daacish Abu Safiyyah Al- Yamani

Marka aad isku eegto wax ka socda dalka Soomaaliya oo ay wadaan kooxda Al-Shabaab iyo qoraalada ay ka qoreen rag iyaga ka tirsanaa wax ka dhacaya xabsiyada qarsoodiga ay leeyihiin kooxaha amniyaadka ee Al-Shabaab ee ka amar qaatada Amiirka Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane waxaa kuu muuqanaya in ay isku manhaj yihiin kooxda Daacish iyo Al-Shabaab waxaa ka mid raga Risaalooyinka ka qoray Al-Shabaab oo ka tirsanaa.

1-Abu Yaasir Al-Muqdishi
Abu Yaasir Al-Muqdishi ayaa waxaa u ka mid ahaa culumada Al-Shabaab wuxuuna qoray Risaalooyin kala duwan isaga oo Fariimo cod ah uu leeyahay lagu faafiyey Internetka waxaana qoraalka Abu Safiyyah Al- Yamani aad ugu dhow qoraal uu ka qoray Sheekh Abu Yaasir Al-Muqdishi Al-Shabaab isaga oo ka waramayey dilkii loo geystay Macalin Burhaan iyo Ibraahim Afgaani wuxuuna ka hadlay xabsiyada iyo raga Amniyaadka Al-Shabaab ka madaxda ah Halkan Ka Akhriso

2-Abuu Yuusuf Al-Qariib

Abu Yuusuf Al-Qariib ayaa sidoo kale waxaa uu risaalooyin ka qoray kooxda Al-Shabaab iyo xabsiyadeed iyo rag badan ay dishay iyo kuwa u xiran  waxaana uu aad uga faalooday arimaha uu ku heysto hogaanka Al-Shabaab Halkan ka Akhriso
Ama Halkan Abu Yuusuf ayaa sidoo kale waxaa uu qoray Risaalo ku wajahan Amiirka Al-Shabaab iyo Hogaanka sare Al-Shabaab wuxuuna u bixiyeye  (رسالة عن حركة الشباب وإدارتها المنحرفة Halkan ka Akhriso Ama Halkan

3-Abu Zuber Al-Muhaajir-
Abu Zubeyr Al-Muhaajir ayaa waxaa uu ahaa madaxii Maxkamada sare ee Ururka Al-Shabaab waxaa uu isagana ka qoray Al-Shabaab xabsiyadooda wax aad u badan ka dib dilkii Ibraahim Afgaani iyo Macalin Burhaan waxaana uu ugu baaqay amiirka Al-Shabaab in uu ogalaado in lagu kala baxo Shareeca

Abu Zubeyr Al-Muhaajir ayaa waxaa kale uu ka waramay xabsiyada iyo dulmiga kooxaha Amniyaadka ee Al-Shabaab iyo dilalka ay geysteen Halkan ka Akhriso Risaalada Abu Zubeyr wuxuuna cinwaan uga dhigay مطالبة محاكمة مع أمير حركة الشباب المجاهدين Abu Zubeyr Al Muhaajir  ayaa sidoo kale qoray Risaalo uu uga hadlayo dhibaatada amniyaadka Al-Shabaab iyo xabsiyada qarsoon ee Al-Shabaab wuxuuna uu cinwaan uga dhigay هناك مشكلة الزبير المهاجر Halkan ka Akhriso PDF  Ama Halkan

Abu Mansuur Al Amriki .
Abu Mansuur Al-Amriki alaha u naxariistee ayaa waxaa uu sidoo kale risaalooyin uu leeyahay  ayaa lagu faafiyey Mareegaha Internetka waxaana uu mar badan ka sheegtay dulmiga hogaanka Al-Shabaab waxaana uu ka qeyliyey lacagta canshuurta ah ee Shabaab ka qaadi jireen qaadka waxaana risaaladiisa la yiraahdaa الضرائب أبو منصور الإمريكيHalkan ka Akhriso waxaa kale oo jira qoraalo uu qoray Abu Mansuur oo uu uga waramayo Soomaaliya iyo Al-Shabaab iyo Maxaakimtii Islaamiga oo uu wax badan goobjoog ahaa

Ibraahim Afgani (Abu Bakar Al-Zeylici) Alaha u naxariistee  oo ahaa ragii asaasay ama dhidibada u taagay Ururka Al-Shabaab ahaana wadaadkii keenay fikrka Al-Qaacida Soomaaliya ilaa ay isagii markii danbe dhagar ku dileen kooxaha amniyaadka Al-Shabaab isaga oo ku sugan Degmada Baraawe.

Ibraahim Afgaani ayaa waxaa uu risaalo cabasho ah u diray Hogaamiyaha Al-Qaacida Dr Ayman Al-Dawaahri isaga oo ka sheeganaya Amiirka Al-Shabaab iyo gaaleysiinta ,dilalka ,iyo xabsiyada gaarka ah  wuxuuna u bixiyey Risaaladiisa إني أنا النذير العريان Halkan ka Akhriso PDF ama Halkan

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah culumada iyo Saraakiisha Al-Shabaab ayaa sidoo kale dowr mar ka qeyliyey  dilalka iyo Gaaleysiinta kooxda Al-Shabaab waxaana uu saaray warsaxaafadeed uu kaga hadlayo wax ka socda dalka Soomaaliya  Halkan ka Akhriso  Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa haatan ku jira xabsi guri magaalada Muqdisho ka dib markii uu habeen madoow ka soo baxay Degmada Baraawe.

Macalin Burhaan :-Macalin Burhaan ayaa waxaa uu ka mid ahaa ducaada Al-Shabaab waxaa uu qoray risaalo uu si gaar ah ugu diray Wadaadka Xasaan Xusen ka dib markii uu soo shaac baxay khilaafka Al-Shabaab wuxuuna ka hadlay dulmiga isaga oo uga digayey Xasaan fatwo uu ku baneeyey dhiiga wadaado ka tirsanaa Al shabaab oo khilafay Amiirka Al-Shabaab wuxuuna risaaladiisa cinwaan uga dhigay   كلمات حسان للشيخ حسان Halkan ka Akhriso

Hadaba Su,aashu waxay tahay Maxay ku kala duwan yihiin kooxda Daacish iyo Al-Shabaab ?sow isku mid maaha dhibaatada laga wada sheeganayo`waxaa la gudboon qofkasta oo Muslin ah in uu iska ilaasho kooxaha ku saamoobay Fikirka Takfiirka Khawaarijta si uusan aduun iyo aakhiro u halaagsamin

Waxaa kula talinayaa dhalinta saxwada Islaamiga in bartaan diintooda kuna dhagaan manahajka Ahlu suna  ay aad u akhriyaan taariikhda firaqda iyo Risaalooyinka ay qoreen ragii wadaada u ahaa Fikirka Al-Qaacida iyo wixii ay ka qoreen Ciraaq,Afgaanistaan iyo Al Jeeriya iyo suuriya oo ay haatan bilaabeen in ay qoraan  si aysan ugu gacan galin taliye laba aag !

Halkan ka Daawo  Wareysi uu Abu Safiyyah Al- Yamani siiyey Tv Al-Jazeera markii uu ka baxsaday Kooxda Daacish 

W/Q C/Casiis Maxamed
abdiasis1970@gmail.com

 

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online