Ayaan Darane: Abuu-Xamza Al-Masri Taliyaha labada Aag W/Q Sh.Shibli.[Qaybtii 5aad]

June 4, 2014 - Written by Editor

AbhamzaNairobi:-Waa qoraaldadii taxanaha ahaa ee aan ka qori jirnay dhacdooyin taariikhda dhaw iyo tii horeba ahaa oo mudan in dadka loo soo gudbiyo si ay uga faa’iidaystaan. Waxaan qormadan ku soo qaadanaynaa Abuu Xamza Al- Masri oo ah wadaad si aad ah looga yaqiinay LONDON- ENGLAND, kavdibna lagu xidhay Ingiriiska, haddana loo dhiibay Maraykanka oo ay ku socoto maxkamadayn.

Taariikh Kooban:

Haddaan si kooban u soo gudbino taariikhda Abuu Xamza Al-Masri waa sida soo socota:-

1. Magaca Abuu Xamza waa: Mustafe Kamaal Mustafe, waxuu ku dhashay magaalada Askandariyah ee Masar 15/4/1958.

2. Wax uu u soo wareegay wadanka Ingiriiska 1979-kii, waxuuna guursaday gabadh muslim ah, waxuuna furay 5 sano ka dib.

3. Wax uu ka sii watay waxbarashadiisii oo uu dhexda kaga soo tagay wadanka Ingiriiska, waxuuna ka baxay kulliyada dhismaha ( Engineering ), waxuuna qandaraas ka qaatay ciidamada Ingiriiska si uu u sameeyo naqshadda dhismaha.

4. Wax uu Abuu Xamza maxkamadda ka sheegay in uu ka soo shaqeeyay meel kamid ah meelaha tumashada iyo qaawanaanta oo ah Ingiriiska dhexdiisa.

5. 1987-kii ayuu aaday Afghanistan si uu uga qeyb qaato dagaaladii ka socday halkaas, hase yeeshee waxuu tababarkii ku waayay labada gacmood iyo ishiisa bidix markii ay ku qaraxeen waxyaabaha qarxa oo uu baranayey sida loo sameeyo, waxuuna 1993-kii dib ugu soo laabtay Ingiriiska si uu isugu daaweeyo.

6. 1995-kii ayuu mar kale aaday dagaaladii ka socday wadanka Boosniya, waxuuna mar kale dib ugu soo laabtay London oo uu degay, waxuu kamid noqday wadaadada jihaadka taageera ee sida wayn looga dhagaysto Ingiriiska.

7. 1997-kii ayuu la wareegay khudbada iyo imaamnimada masjidka wayn ee Finsbury Park oo dhaca waqooyiga London, waxuuna ka eryay odayaal maamul ka ahaa oo ka soo jeeda wadanka Bangaladesh.

8. Waxuu Abuu Xamza masjidkaas ka billaabay khudbooyin uu ku dhiiri galinayo jihaadka, kuwaas oo si aad ah u soo jiitay dhallinyaradii jihaad doonka ahayd ee ku noolayd Ingiriiska iyo wadamada Yurub.

9. Waxuu si aan qarsoodi lahayn u taageeri jiray dagaalada uu ku jiro ururka Al-Qaacida, waxaana lagu xidhay wiil uu dhalay wadanka Yemen asaga oo lagu eedeeyay in uu ka qeyb galay dilal, afduub iyo dagaalo ka dhacay halkaas, waxaana lagu xukumay 3 sano oo xabsi ah.

10. Waxay arrintaasi sababtay in ay dalal ay kamid ahaayeen Yemen iyo Maraykanka – oo dib kaga soo biiray -dalbadaan in loo dhiibo Abuu Xamza si loogu qaado dacwado sheegaya in uu ku lug lahaa falal ka dhacay wadamadooda iyo meelo kaleba.

11. Waxaa dhiibistaa diiday wadanka Ingiriiska oo uu haystay jinsiyadiisa, waxayna la sameeyeen waraysiyo badan oo la xidhiidha dacwooyinkaas iyo kuwa kale oo ay kamid ahayd dhacdadii lagu laayay dalxiisayaal reer galbeed ah oo gaadhaya 68 qof wadanka Masar, gaar ahaan magaalada Al-Aqsor 1997-kii.

12. 20/01/2003-dii ayay booliska Ingiriisku baadhitaan ku sameeyeen masjidkii Finsbury Park ee uu ka khudbayn jiray, waxayna sheegeen in ay ka heleen waxayaabaha laga sameeyo qaraxyada & qoraalo jihaadka dhiiri galinaya, waxaa la xidhay masjidkii mudo kooban, waxaana (04/02/2003) laga mamnuucay Abuu Xamza in uu galo Masjidkaas, asagase lama qaban ama lama xidhin.

13. Sh. Abuu Xamza waxuu khudbadiisii ka sii watay masjidka banaankiisa maadaama laga mamnuucay imaamnimada masjidka ilaa 2004-tii oo xabsiga loo taxaabay, waxaana lagu eedeeyay 15 ama 16 danbi.

14. Waxay dacwadiisu socotay ilaa 07/02/ 2006-dii, waxaana ka dhacay dood aad u badan oo isku difaacayey Abuu Xamza waxaana kamid ahaa:

A. ( Waxaan la lahaa xidhiidh joogta ah MI5 & qeybta booliska ee gaarka ah sanadihii ( 1997-2000).

B. ( Waxay igu dhaheen waad wadan kartaa khudbadaada inta aanaan arag dhiig daadanaya dariiqyada London).

15. Waxaa kale oo uu Abuu Xamza ka sheegay maxkamada in uu siiyay laamaha amaanka ee Ingiriiska talooyin sidii loo xakamayn lahaa taageerayaashiisa, dariiqyada London-na looga dhigi lahaa aamin.

16. Waxaa Abuu Xamza lagu xukumay 7 sano oo xabsi ah, lagama yeelin in uu la shaqeeyay laamaha amaanka mudadaas dheer, wuu dhamaystay 7-dii sano waxuuna ku darsaday sanad kale oo ay socotay dooda dhiibistiisa.

17. Waxaa inta uu xidhnaa socotay dood u dhaxaysay Ingiriiska iyo Maraykanka oo ah dhiibitaanka Abuu Xamza, doodaas oo gashay Maxkamadaha (27/05/2004), waxayna ku dhamaatay (05/10/2012) in Abuu Xamza loo dhiibo Marakanka.

18. Waxaa lagu maxkamadaynayaa Maraykanka, magaalada Manhattan, waxaana lagu eedeeyay in uu taageero siinayey dad afduub iyo dil u gaystay dalxiisayaal tagay Yemen 1998-dii & in uu ka sameeyay xero tababar Maraykanka gudahiisa, magaalada Oregon.

19. Markii la keenay maxkamada Marakanka horaantii May 2014-ka uu qareenkii Abuu Xamza (Mr. Joshua Dratel) ku dooday in uu ahaa Abuu Xamza Al-Masri nin la shaqeeya sirdoonka Ingiriiska ee gudaha ( MI5) & booliska Scotland Yard !!!.

20. Waxaa yaab badnaa in uu keenay 50 bog oo ah qoraalo qeexaya wada shaqayntii dhex martay labada dhinac iyo sidii ay u wada shaqeeyeen intii u dhaxaysay May 1997- August 2000.

21. Waxaa dacwadaas qareenka lagu sheegay in ay ahayd arrinta labada dhinac ka wada shaqaynayeen (Sidii ay dariiqyada London nabad u ahaan lahaayeen )!!!.

22. Abuu Xamza waxba kama dhihin dooda uu soo gudbiayay qareenkiisu asaga oo garab fadhiyay qareenkiisa, waxayna noqon kartaa tilmaan qiraal ah oo faahfaahinaysa doodii Abuu Xamza ka sheegtay maxkamadda 2006-dii.

23. Waxaa diiday qaadigii Marakanka ahayd in la soo bandhigo qoraalada sheegaya wada shaqayntii dhexmartay Abuu Xamza & laamaha amaanka ee Ingiriiska, waxayna ku dooday in aanay si toos ah u khusayn dacwada loo haysto ee Marakanka, waxaana ka qaatay rafcaan qareenkii oo doonaya in wax lagu dhiso caddaymaha uu keenay.

Xigasho:

1. http://www.telegraph.co.uk/news/worldnews/northamerica/usa/10814816/Abu-Hamza-secretly-worked-for-MI5-to-keep-streets-of-London-safe.html ( English)

2. http://www.channel4.com/news/abu-hamza-i-was-working-for-british-intelligence ( English)

3. http://www.dailystar.co.uk/news/latest-news/377937/Terror-trial-Abu-Hamza-ran-strip-club-and-worked-for-MI5-to-keep-London-streets-safe ( English)

4. http://m.arabi21.com/Story/747176 ( Carabi)

Murtida Qormada:

Waxaan ku soo aruurin karnaa qormadan 4 qodob:

1. Abuu Xamza: Wax uu si aad ah ugu boorin jiray jihaadka asaga oo jooga London waqti dheer oo ah 7 sano(1997-2004).

2. Abuu Xamza: Waxuu la shaqayn jiray laamaha amaanka ee Ingiriiska intii u dhaxaysay 1997-2000 sida uu asagu ka hor qirtay maxkamadda sanadkii 2006.

3. Abuu Xamza: Waxuu garab fadhiyay qareenkiisa markii uu ku dooday in uu la shaqayn jiray laamaha amaanka, arrintaasina loo hayo caddaymo gaadhaya 50 bog, waana ka aamusay.

4. Abuu Xamza: Waxuu kala shaqaynayey laamaha amaanka ee Ingiriiska sidii ay London dariiqyadeedu u ahaan lahaayeen nabad galiyo sida uu sheegay qareenkiisa asaguna ma diidin.

5. Abuu Xamza: Waxaa lagu xukumay 7 sano, waxuuna xabsiyada Ingiriiska ku jiray 8 sano.

6. Abuu Xamza: Waxaa loo dhoofiyay Marakanka, waxaana ku socota maxkamad aan la ogayn waxa ay ku dhamaan doonto.

Is Waydiin:-

1. Sidee la isu waafajinayaa in dadka lagu booriyo in gaaalada lala jihaado, ayagiina hoosta lagala shaqeeyo waqtigaas dheer.

2. Maxaa looga shaqaynayaa in ay dariiqyada London nabad ahaadaan, dariiqyada dalalka muslimiintana dhiiga loogu qubayaa, maxaase dabka looga shidayaa?!!!

3. Haddii Abuu Xamza laga dhamaystay oo xabsi dheerna la galiyay soo ma ahan qaabkii ay ku danbayn jireen reer Ayaan darane ?

4. Ma Abuu Xamza kaliya ayaa tilmaantaas leh mise waxaa jira dad badan oo jihaadka gaalada ku baaqaya wadamadii gaaladana isku dhajinaya oo shaqadii oo kale hayn kara?

5. Abuu Xamza iyo inta lamidka ah ma jihaad Islaam ayay ku jiraan mise jabka muslimka ayay ka shaqaynayaan?

6. Ma ila aragteen in ay jiraan dad badan oo lagu tilmaami karo halqabsigii ahaa (( Maxaa Tuug Shaafii Qaadi )) iyo (( Dabin Muslim ))?.

Waxaa Qorey/
Sh. Maxamuud Maxamed Shibli
04/06/2014 Riyadh – Saudi Arabia

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online