Diinta waan haystaa culumadase meel uguma xirni!. W/Q: Sh. Axmed Cabdisamad

June 13, 2014 - Written by Editor

Sheekh-axmed-CabdisamadWaa run oo ninna nin kale meel uguma xirna laakiin hadalkaani ma aha hadal cilmi iyo caqli midna ku dhisan; waayo amarka Rabbigeen ku baxshay in kitaabka iyo sunnada loo noqdo mid la mid ah ayuu ku baxshay in Ehlu cilmiga wax la weydiiyo, garna maaha Ilaahoow amarka hore waa kaa yeelay, kan kalena waan kaa diiday.

Tan labaad haddii kitaabka kaligi dadka ku filanyahay Ilaahay Rususha masoo direen, waxaas oo dhib ahna ma amreen ee kitaab galaysan baa loo soo tuuri lahaa. Ummadihii horena markii nabi ka dhintaba nabi kale ayaa loo soo saari jirey, Nabigeena-se ma jiro nabi ka dambeeya; sidaa darteed booskii iyo kaalintii nabiga waxaa inoo ku jira oo inoo buuxinaya culumada. Ninkii yiraahda diinta waan rabaa, ciddii xambaarsanayd ee booska nabiga joogteyna waan diiday waa nin is burinaya, hadalkiisuna daacadnimada ka fogyahay.

Tan seddexaad ninka diyaarka u ah inuu diintiisa Sheekh Google iyo suuqa ka qaato, wax walba oo adduunyadiisa khuseeyana cidda iyo meesha ugu fiican ka qaato wuxuu u muuqdaa in adduunyadu uga muhiimsan tahay aakhirada. Marka xanuun hayo dhakhtarka ugu aqoon badan buu raadinayaa, markii gaarigu ka xumaadana makaaniga ugu wacan buu doonayaa, markuu cid lacag ku darsanayo ama la shirkoobayana yaa ugu mudan buu rabaa laakiin

markay arrintu diinta noqoto waa xaab qaad iyo abeeso xambaar, taasna waa calaamada diin la’aanta iyo marin-habowga.

Waxaa intaa dheer ninkii jirro qaba oo dhakhtarka aadi waaya isaga oo ku andacoonaya ninna meel uguma xirni ama fadhi-ku-dirirka iska soo daaweeya dhakhtarka wax uma dhimin ee isagaa is dhibay.

Gunaanadkii ninkaasi waa nin u bareeray mowqifkaas ee yaanay dadka kale ku dagmin hadalkiisa dalabta leh, hana ogaadeen in dadka diinta cadowga u ah ay si siman ula wada diriraan diinta iyo dadka xambaarsan; waayo haddii dadka lugu diro oo la nacsiiyo culumada cidda kale ee bulshadu raacayso waa jaahiliin iyagu baadiyayasan, dadka kalena baadiyaynaya sidii Rasuulkeenu sheegay in wax u dhacayaan goorta culumadu dhammaato, farqina ma leh in culumadu le’ato iyo in iyadoo nool laga taloboxo oo jaahiliin la raaco.

Sh. Axmed Cabdisamad
alwaqaar@hotmail.com

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online