Sanad guuradii 3aad ee Golaha Ardayda Al-Furqaan ee Laascaanood[Masawiro]

June 25, 2014 - Written by Editor

IMG_8764Laascaanood:-Maanta waxaa lagu qabtay Hotel Almustaqbal ee Magaalda Laascaanood Xaflad Ballaadhan ahaydna Sanad Guuradii 3 aad ee Kulanka Golaha ee Sanadkiiba mar la Qabto. Kulankaan oo ay ka soo qayb galeen Laamaha kala Duwan ee bulshada Goblka Sool. Waa kulanka ka hadlay gudoomiyihi Hore Saciid Muuse Xaaaji Nuur. Saciid Wuxuu soo Bandhigey dhamaan wixii wax qabad ah ee uu qabtey Intii uu Masuuliyada Golaha Hayey. Wuxuu ka waramey dhamaan Hawlaha Dacwadeed ee uu Gobolku u Hayo.

Gudoomiyihii Hore wuxuu sharaxay waxa uu yahay Golaha Ardayda ka Baxday Machadka AL-furqaan Laascaanood, Hiigsigiisa Mustqableed , Dhambaalka uu u wado Bulshada iwm. Wuxuu Kale oo ka waramey siddi ay ugu soo Halgameen Hawlihii iyo Faafinta Diinta Alle Sw. Wuxuu Ku  Inay Bulshada Soomaaliyeed Maanta lagu Badbaadin Karo uun Diinta Alle oo dadka la Baro mid yar iyo mid weynba.

Wuxuu Sheegey dhamaan 6 dii Dufco ee  ka Qalin Jebisey Mac-hadka Meel Kastooy ka Joogaan Aduunka , daba Gal dheer oo ay Saameeyeen Gudiga Baadhitaanka iyo Warbaahinta Golaha Ardayda Ka Baxday .Warbixandii uu Soo Bandhigey Waxa kamid ahaa :

1.Tirada Wiilasha ee 6 dii Dufcadood ee Machadka dhameysey 6 san ee u danbeyey Waa 441 arday.

2. Ardayda waxaa Dalka Ku Nool oo Barayaal ka ah , 90 % Waa 373 Arday.

3.Dalka Dibadiisa Waxaa Waxbarasho Jaamacadeed ku Maqan 54 Arday.

4. Waxaa Alle SW Oofsadey oo dhintey : 2 Arday.

Intaasi Waa Wiilasha . Gabadhahana Warbixintooda Waxaa Soo Gudbin Doona: ( ملتقى الطالبات للدعوة والإرشاد ) Waxaaa kale oo ka Hadlay gudoomiyaha Jaamacadda Nugaal , Gudoomiyaha Xafiiska Dacwada, iyo Masuliyiin Kale oo Sharaf leh. Ugu Danbeyntii waxaa la kala wareegay Labad gudoomiye Hawlihii Dacwada C/Rashiid Maxamed Awfaarax oo ah Guoomiyaha Cusub  iyo Saciid Muuse Xaaji Nuur Labadoodaba Hawshii Hawlihii Wada shaqeyneed halkii ayey ka Sii Wadi Doonaan. Waxaa sidoo kale Madasha lagu Gudoonsiiyey Shahado Sharafyo la siiyey Dadkii aadka u Taageerey Golaha Xaga Talooyinka , Fikirka , Taakuleyn Dhaqale iwm.

no images were found

Golaha ardayda Machadka Al-furqaan
Laascaanood, Somalia

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online