Sh.Umal oo xalay muxaadaro ka jeediyey Masjidka Al-rowda ee Boosaaso.[Dhagayso]

June 18, 2014 - Written by Editor

6Bosaaso:-Waxaa xalay ka dhacay Masjidka weyn ee Al-rowda ee magaalada Boosaaso muxaadaradii koowaad ee uu jeedinayo Sh.Maxamed Cabdi Umal oo shalay soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Sh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu muxaadarada uu jeediyey waxaa uu ugu magacdaray ‘Mowqifka qofka Muslinka Waqtiga fidnada'(موقف المسلم من الفتن) ‘isagoo Sheekhu uu aad u faahfaahiyey sidda iyo sababaha looga badbaadi karo Fitnada.

Sh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu tilmaamay dhowr iyo toban qodob oo looga badbaadi karo Fitnada marka la qabsado Kitaabka Alle iyo Sunad Nebigeena Muhamed NNKH iyo in lagu xirnaado culimada diinta Islaamka si xeel dheer u yaqaan. Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu aad uga digay dhalinyarda in aysan ku kadsoomin afkaarta guracan ee khilaafsan Manhajka Ahlusunaha ayna ku xirnaadaan culimadooda.

Sh Maxamed Cabdi Umal ayaa xusay in xaalada dalka Soomaaliya ay marayso meel adag loona baahan yahay in qof walba uu taxadarkiisa uu qaato oo uu ka fogaado in wixii alle xarimaya oo ay ugu horayso in qof muslin ah la dilo ama la baneeyo dhiigisa, xoolihii iyo sharaftiisa.

Sh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu ka jawaabay su’aalo fara badan oo ay dadweynuhu waydiiyeen kuwaas oo inta badan u badanaa xaalada Soomaaliya gaar ahaan Ururka Al-shabaab in la taageeri karo ama laga noqon karo Xubin iyo xukunka qofkii Al-shabaab ka mid noqda.

Sh Maxamed Cabdi Umal ayaa intii uu ku suganaa deeaanada Puntland waxaa uu muxaadaraad iyo wacdyi gelin Ka jeediyey dhamaan deegaanadii uu socdaalka uu ku soo maray waxaan ka mid ahaa meelaha uu Shiikhu tegay magaalooyinka Laascaanood, Garoowe, Qardho, Waaciya , Carmo iyo Boosaaso oo uu hadda ku sugan yahay

Masjidka Rowda ee magaalada Boosaaso ayaa xalay buux dhaafay iyadoo dadweynuhu ay kala socdaan muxaadarada Sh Umal xaafaddaha ku xeeran Masjidka sidoo kale waxaa muxaadarada Sh Umal si toos ah ugu tabinayey Idaacadda Quraanka Kariimka ee Al-xikma waxaan laga dhagaysanayaa dhamaan inta badan gobolladsa Puntland iyo meelo ka baxsan sidda magaalada Kismaayo.

Hoos ka Dhagayso muxaadaradii xalay uu Sh Umal ka jeediyey Masjidka Rowda ee Boosaaso

[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/gbkmitfah5/Mawqifka_Qofka_Muslimka_ah_Xiliga_Fitanta.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Mu’asasada Al Minhaaj
Bosaso, Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online